Maydad lasoo dhigay Xeebta Dur-duri, gobolka Sanaag

Image

BARAN, Puntland- Wararka laga helayo dadka deegaanka Dur-duri ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in  labo ruux oo mayd ah xalay abaaro saqdiidhexe 2:30Am lasoo dhigay xeebta magaalada.

Dadkan ayaa la sheegay in maydkooda lagu keenay xeebta Saxiimad katimid dhinaca Bad-weynta.

Saxiimadda ayaa dib u laabatay tallaabadan kadib iyadoo aan la aqoon goobta laga keenay iyo cidda mas’uulka ka ahayd arrintan.

Goob jooge ku sugan deegaanka Dur-duri ayaa xusay in maydka ay xabado ka muuqdaan.

Dadka deegaanka ayaa aaminsan in arrintan ay ka dambeeyaan ajaanibta ku sugan badda waloow aysan u hayn caddayn rasmi ah.

Labada nin ee maydkooda la keenay Xeebta durduri ayaa la qiray inay kasoo kala jeedaan Gobollada Sanaag iyo Mudug.

Majirto  wax war ah oo kasoo baxay maamulka deegaanka oo ku aadan dhacdadan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM