Miisaaniyadda Puntland ee 2021 oo cod aqlabiyad ah lagu ansixiyey

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Fadhiga 16-aad ee Kalfadhiga 47-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan, ku xigeenka 1aad Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman iyo Ku xigeenka 2aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa Xildhibaannada ku ansixiyeen Miisaaniyadda Dawladda ee sanadka 2021.

Fadhiga maanta oo soo xaadireen 54 Mudane, ayey dood adag ka yeesheen Miisaaniyadda Dawladda Puntland, ka dib soo gudbinta warbixinta Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka sida uu qabo qodobka 64-aad, iyo 135-aad ee Dastuurka DPL, iyo qodobka 58-aad, 62.6-aad iyo 63-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL.

Dooda Odoroska Miisaaniyadda sanadka 2021 ee Golaha la horkeenay waxay dhan tahay $ 341,861,037 ( Saddex boqol afartan iyo kow malyan sideed boqol lixdan iyo kow kun iyo soddon iyo todoba dollar) sannadkii, halka ay bishii noqonayso $ 28,488,420 ( Labaatan iyo sideed malyan afar boqol sideetan iyo sideed kun afar boqol iyo labaatan doolar).

Dood ka dib, Xildhibaannada ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Miisaaniyadda Dawladda ee sanadka 2021.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM