Musharax Jabiye oo qado u sameeyey Caruurta Agoonta ee Garowe

Image
Image
Image
Image

Musharaxa Madaxweynaha Puntland Maxamuud Khaliif oo qado u sameeyey caruurta  xarunta agooonta ee Garoowe

Musharaxa xilka Madaxweynaha Puntland 2019 Maxamuud Khaliif Xassan (Eng. Jebiye) ayaa maanta qado u sameeyey caruurta ku xereysan xarunta agoomaha ee magaalada Garoowe.

Maxamuud Khaliif Xasan ayaa  caruurta u sameeyey qado wanaagsan, waxaana u ugu adeegey gacantiisa isaga oo dhamaan caruurta midkasta booskiisa qadada ugu geyey. Eng. Jebiye ayaa la qadeeyey caruurta oo dhex fariistey, lana sheekeystey mudadii ay qadeynayeen.

Maamulka xarunta agoonta ee Garoowe ayaa sheegay in aysan ahayn markii u horeysey ee Maxamuud Khaliif uu caruurta iyo xarunta agoonta ee Garoowe ka farxiyo, bishii Abril ee sanakdan ayey ahayd markii uu $10,000 oo dollarka Maraykanka ah ugu deeqay xarunta agoomaha ee Garoowe.

Maxamuud Khaliif oo ka hadley  qadada iyo casumaada uu u sameeyey caruurta xarunta agoonta ee Garoowe ayaa yiri.

" Talaabadii u horeysey ee imaanshahaygi Garoowe kadib aan qaadey waxay ahayd kulanka caruurta agoonta ah iyo casumaada aan u sameeyey sababta aan ku doortey ayaa ah, waan jeclahay caruurta, khaasatan kuwan oo kale, waa mustaqbalkii berri, waa hoggamiyaashii dalkan sidaas darteed haddii ay waayeen labadoodi waalid ama mid kamid ah innaga ayaa ka masuul ah, waxayna tani noqon dontaa mid aan jogteeyo markasta ".

Qaar kamid ah caruurta ku jirta xarunta agoonta ee Garoowe ayaa sheegay in Maxamuud Khaliif uu yahay masuul

Maxamuud Khaliif Xassan ayaa kamid ah muxsiniinta ku bixiya maalkooda meelaha kheyrka iyo wanaaga iyo weliba horumarka bulshada sida, Isbitaalada, jaamacadaha, Waddooyinka, Xarumaha Agoomaha iyo meelo kale.

XAFIISKA OLOLAHA DOORASHADA MUSHARAX JEBIYE

https://mkh2019.com

facebook.com/mkh2019

twitter.com/mkh2019

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM