Musharrax Deni oo kasoo dagay magaalada Bosaaso [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOSASO, Puntland- Musharrax Siciid Cabdullaahi Deni oo ka mid ah musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Puntland Doorashada 2019 ayaa maanta soo gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxaana soo dhaweyntiisa ka qeyb galay Siyaasiyiin, Ganacsato, Aqoonyahano, Isimadda Dhaqanka, Ururada Haweenka, Dhalinyarada iyo Taageerayaasha Musharax Deni oo aan u kala harin soo dhaweyntiisa.

Wuxuu khudbad u jeediyay dadkii soo dhaweyntiisa ka qaybgalay isagoo ugu horayn soo hadal qaaday arrimaha Ammaanka ee magaalada Boosaaso iyo waxyaabaha ka taagan, wuxuuna ku eedeeyey Xukuumadda waqtigeedu dhamaaday in ay ku guuldareystay maareynta howlaha Ammaanka.

Musharaxa ayaa sheegay in Xukuumadda hadda jirtaa ay gabi ahaanba ku fashilantay u shaqeynta Shacabka iyo ka shaqeynta in ay Amni ku seexdaan.

“Amniga Airporka Bosaso in la sugo maaheyne, Amniga magaalada in la sugo ayay ahayd, In maanta la yiraahdo amnigii ayaa xumaaday maahan wax ay sugayeen Reer Puntland, magaalada Boosaaso wax ka dhacayana sax maahan, waxaan rabaa Amniga in laga wada qeyb qaato, Maamulkuna uu hormuud ugu noqdo Xiliyada doorashada iyo madaxda doorashada u socota kaliya maahane, Dadka Muwaadinka ah amnigooda in laga shaqeeyo weeye’’ ayuu yiria Murashax Deni.

Musharraxa wuxuu bogaadiyay shacabka reer Puntland dadaalkii ay ku bixiyeen Dowladnimada Soomaaliya, wuxuu ballan qaaday in uu Hormuud u noqon doono Puntland cusub taas oo aysan koox gaar ahi laheyn ee Shacabku wada leeyahay.

“Xariirka ka dhaxeeya Dawladda Faderaalka iyo dawladda hadda jirtaa oo ayaamahan la leeyahay dib baa loo fiirinayaa waa riwaayad dadka loo dhigayo, Faderaalka Puntland ayaa dhistay cidna marti ugama ah, ilaalintiisa waajib ayaa ka saaran Madaxweynaha Puntland ee hadda jooga Raysalwasaare ayuu kasoo noqday Faderaalka dhibta jirtana wuu la socdaa’’ayuu yiri musharaxu.

Musharraxu wuxuu ku dheeraaday Musuqmaasuqa baahsan ee ka dhex jira Xukuumadda hadda talisa, wuxuu ballan qaaday in isla xisaabtan dhab ah uu iman doono.

“Waxaad og tihiin in dalkaan dhaqaalihiisii in la lunsaday oo uu galay jeebabka dad gaar ah, waxaan ogahay in dhaqaalihii dadka laga qaaday uu camiray magaalooyin kale oo ka baxsan Soomaaliya oo lagu maalgaliyey saxna maahan” ayuu yiri.

Musharax Siciid Deni ayaa Duullaan qaawan ku tilmaamay daan-daansiga ay Somaliland ka waddo Gobalka Sool, wuxuu sheegay inay tahay arrin Dastuuri ah oo aan wada xaajood laga geli karin, wuxuuna qiray in Dowladda hadda jirta ku guuldarreysatay Howl galinta Ciidamada Tukarraq ee isaga yimid daafaha Puntland..

“Waxaad markhaati ka tihiin markii Tukaraq la qabsaday hadda oo gardaradda duulaanka qaawan lagu soo qaaday, dadkii min Raascaseyr, Saaxo ilaa Towfiiq dadku iyagoo aan la xisaabtamin dawladooda ayay ciidamado iyo calaf iskugu geeyeen, dawladda hadda joogtaa waxay ku guuldareystay in ay howlgaliso ciidamadaas, Sharaftii Puntland soo celiso, xaduudihii Puntland ay sugto, arrintaas waa arrin Dastuuri ah, maahan arrin ku aadan rabitaanka qofka madaxda ah, Waa arrin la rabo in qof walba oo Puntland ah u istaago” ayuu yiri.

Siciid Deni wuxuu ka hadlay arrimaha doorashada iyo guddiyada khilaafaadka wuxuuna ka digay inaan qabaa’ilka iyo Isimada lagu mashquulin khilaaf sidoo kale aysan xukuumadda hadda jirta soo faragalin guddiyadaas.

Ugu dambeyn Musharrax Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu ballan qaaday haddii la doorto in xukuumaddiisu la imaan doonto Dowladnimo hufan, dowladnimo loo dhan yahay oo aysan koox yar talada la wareegin, codka shacabkana ku shaqeysa.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM