Muxuu yahay hal ku dhiga sanadkaan ee Maalinta Biyaha Aduunka?

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland – Dowladda Puntland ayaa maanta Arbaco ah qabatay munaasabad lagu way-neenayo maalinta caalamiga ah ee Biyaha Aduunka oo sanad kasta loo dabaal-dego 22-ka Maaj.

Xafladda oo ka qabsoontay xarun goboleedka Nugaal waxaa ka qaybgalay madaxwayne ku xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo mas'uuliyiin ka tirsan wasaarada Biyaha.

Hal ku dhigga sanadkaan ayaa ah: "Biyuhu waa nolasheena, waana in qof kasta la gaarsiiyo, gaar ahaan dadka danyarta ah, dadka ku barakacay dalka gudahiisa iyo dadka ku nool meelaha fog-fog."

Sidoo kale waxaa jira hal ku dhig kale kaasi oo ah "Qofna kama tagi karto" oo lala jeedo in dadka lagu dhiirogeliyo in ay colaad kasta oo jirta aanan isku diidin biyo, maadaama ay muhiim u yihiin nolasha.

Markii ugu horeysay oo loo dabaal-dego maalintaan waxay ahayd 22 Maaj 1993 markaasoo ay iclaamisay Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa, waxaana hadafku yahay biyo nadiif ah oo uu bini’aadamku helo.

Xuska maalintaan ayaa kusoo aadaya xili qaybo kamid ah degaanada Puntland ay ka jiraan abaar saameysay dadka iyo duunyo, xili dowladda ay ku howlan tahay sidii ay ugu gurman lahayd dadkaasi.

Dowlada Puntland oo balanqaaday in ay ka shaqeyn doonto sidii muwaadiniinta u heli lahaayeen biyo nadiif ah ayaa ka dalbatay deeq-bixiyaasha caalamka in ay gargaar deg deg lasoo gaaraan dadka ay abaartu saameysay.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA XAFLADA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM