Nuxurka Khudbadihii Madaxweyne Gaas iyo Islaan Bashiir

Image
Image

GAROOWE, Puntland- Madaxweynaha Puntland oo ay wehelinayaa mas’uuliyiin katirsan golayaasha dowladda iyo xubno ka socday labada Aqal ee Barlamanka Soomaaliya ayaa maanta dhagax dhigay deked ay yeelan doonto magaalada Garacad oo katirsan gobolka Mudug.

Markii uu dhagax dhigu soo dhammaaday waxaa dadweynihii ka qaybgalay iyo warbaahintaba la hadlay xubno ay ku jiraan Madaxweynaha Puntland iyo Islaan Bashiir Islaan Cabdulle.

Islaan Bashiir ayaa soo dhaweeyay Dekeddan inkastoo uu xusay inay ka xunyihiin habka ay ula dhaqantahay dowladda federaalka gaar ahaan RW Khayre.

“Madaxdii aan halkan ku casuumaynay waxaan u haysanahay Madax qaran oo umadda Soomaaliyeed oo dhan u dhaxaysa, sidaan moodaynay ma noqon, laakiin waanan isku hallayn doonin iyagana intaas ayaan leeyahay, munaasabaddan mida ka dambaysana waxaan rajaynaa inaan isugu nimaano furitaanka dekedda Insha allaah.” Ayuu hadalkiisa kusoo xiray Islaan Bashiir.

Wuxuu xusay in shacabku iyagoo isku tashanaya dhisan doonaan dekeddan islamarkaana ka miro dhalin doonaan hadafkooda.

Dhinaca kale Madaxweyne Gaas ayaa wax laga farxo ku tilmaamay mashruucan isku tashiga ah, wuxuuna xusay in dekeddan ay noqon doonta mid u adeegta mandiqadan oo dhan ee aysan ku koobnayn Soomaaliya.

“Waxaan islee yahay maanata saxan-saxada iyo uduga ayaan ka gartaa inay hirgalayso dekeda Garacad, maanta Puntland oo dhan baa halkan timid maraan fogeyna Soomaali oo dhan baa imaanaysa, dekedaasi marka ay dhisanto ma noqonayso mid heer, mid dagmo, mid Soomaaliya ma noqonayso ee waxay noqon mid mandiqada oo dhammiay ka faa’iidaystaan" ayuu yiri madaxweyne Gaas.

Gaas ayaa mar uu ka hadlayay baaqashada RW ee safarkii Garacad wuxuu xusay in sababta laga rabo dowladda Federaalka, balse ay mar hore qorsheeyeen in mashruucan wax ka dhagax dhigaan.

“Isimada iyo dhammaan dadkii meesha ka hadlay, waxay ka sharqamiyaan in lagu sharfay dowladda Federaalka inay kasoo qaybgasho mashruucan laakiin ay ka baaqsatay waa run, waan dhagax dhigan karnay laakiin waxaa ku sharafnay in dowladda Federaalka ay dhagax dhigto laakiin maysan noqon sabab kasta ha ku dhacdee,” ayuu hadalkiisa ku daray Gaas.

Mashruucan ayaa muddo soo jiitamayay, waxaana furitaankisa lagu beegay xilli RW Soomaaliya uu shalay subax u safray magaalada Qardho iyadoo laga sugayay deegaanka Garacad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM