Odayaasha Nugaal oo ka hadlay dhismaha Airpot-ka Garowe

Image

Arbaco, September 2014 (GO)- Qaar ka mid ah odayaasha magaalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa ka hadlay halka uu marayo qorshaha lagu dhisayo garoonka diyaaradaha Garowe.

Shir jaraa'id oo ay galabta ku qabteen magaalada Garowe odayaashii lagu martiqaaday barnaamijkii Kuwait Fund ku soo bandhigtey mashruucaan oo uu hoggaaminayey Cismaan Guureeye Kaarshe ayaa ka hadlay xilliga la bilaabayo howsha garoonka diyaaradaha wuxuuna tilmaamay inay dhowaan Garowe soo gaareen saraakiil ka socotay dowladda Kuwait oo qiimayn ku sameeyay garoonka.

Cismaan Guureeye ayaa sheegay in qorshaha lagu balaarinayo garoonka diyaaradaha Garowe uu soo bilowday xilligii uu Puntland madaxweynaha ka ahaa Cabdiraxmaan Farole oo dadaal xoogan u galay in mar qura caasumadda Puntland yeelato garoon caalami ah balse hadda uu qorshahaasi meel fiican marayo.

Xubnaha ka qayb galay kulankaas oo ahaa sadex oo ka tirsan waxgaradka Nugaal ayaa sheegay inaysan haba yaraatee wax is hortaag ah Wasaradda Duulista Hawaddu ku samayn dhismaha garoonka wararka laga faafiyayna aysan waxba ka jirin, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Warsidaha Garowe Online ayaa Sept 22, 2014 daabacay Halkaan ka akhri warbixin ka hadlaysa in Wasiirka Duulista Hawadda Puntland Xasan Cadde uu is hortaagay saxiixa dhismaha garoonka diyaardaha Garowe kadib markii uu dhageystey warbixinta Injineerada NARCO, taasina sababi karto fashil mashruucaas ku yimaada.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in Wasiirka Duulista Puntland saxiixey mashruucaan kadib markii warbixintaan Garowe Online uu daabacey iyadoo dhinaca kale odayaasha kulankaas horay uga qayb galay caadaadis xoogan saareen markii ay ogaadeen dib-u-dhaca saxiixa iyadoo Wasiirku canaadayey xubno hay'adda Kuwait Fund kala shaqeynaya dar-dar galinta dhismaha garoonka diyaaradaha Garowe iyo Jamacada Baran.

Warsaxafdeedka odaayshaan ayaa u muuqda mid ay ku daboolayeen waji-gabaxa ku dhacey Wasiirka Duulista kadib markii saxaafada xorta ah faafisay wararkaan.

Dhinaca kale Wasiirka Duulista Puntland oo adeegsanaya qaar ka tirsan saxaafada ku hadasha afka dowlada Cabdiweli Cali Gaas ayaa hadalo gaf ah ugu gaystey shaqsiyaad uusan magacaabin kuwaasoo uu ku eedeeyey iney mashruuca lacago ka qaateen.

Wasiirka ayaa diidey in saxaafadu kasoo qaybgasho ama warsaxaafadeed la bixiyo kadib markii uu dhageystey warbixinta Injineerada ka socdey shirkada NARCO, balse su'aasha la isweydiinayo ayaa waxay tahay maxaa keeney in waqtigaan lala hadlo saxaafada?

Dowladda Kuwait ayaa dhismaha garoonka Garowe ugu deeqday aduun lacageed oo gaaraya lix milyan oo doolar haseyeeshee Injineerada sameynayey qiimaynta ayaa sheegey in dowlada Kuwait ku dari doonto lacago kale marka uu dhamaado wajiga Kowaad.  

Dhismaha garoonka diyaaradaha Garowe ayaa loo qorsheeynayaa inuu bilowdo bisha saddexaad ee sanadka danbe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM