PL oo beenisay eedaha Qaybdiid baaqna u dirtay beesha caalamka

Image
Image

Sept 26, 2014 (GO)- War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu faah faahiyey shir deg deg ah oo maanta oo Jimce ah Golaha Xukuummada Puntland iyo saraakiisha ciidamada qalabka sidaa magaalada Garoowe ku yeesheen.

Ugu horreyn waxaa war-saxaafadeedka lagu beeniyey inaysan jirin is hortaag lagu sameeyey Madaxweynaha Galmudug oo isagu maalmo kahor sheegay in loo diidey garoonka Gaalkacayo inuu kasoo dego, waxay sidoo kale Puntland beenisay inuusan jirin garoon dhismihiisa laga hor istaagay Galmudug.

Shirka waxaa lagu dhaleeceeyey hadaladii dhowaan kasoo yeeray Madaxweynaha Maamulka Galmudug, hadaladaas oo la sheegay inay yihiin kuwo colaad hor leh abuuri kara wixii ka yimaadana mas'uuliyadeeda isagu uu qaadi doono.

Bulshada gobolka Mudug ayaa loogu baaqay nabad iyo inay meel uga soo wada jeestaan cid kasta oo nabadda halis ku ah,  gaar ahaan colaadda uu ku baaqayo Cabdi Qaybdiid, waa sida war-saxaafadeedka lagu sheegaye.

Beesha caalamka ayaa lagu wargeliyey hanjabaadaha kasoo yeeray dhanka Galmudug ee ah inay xanibi doonaan shaqooyinka garoonka Gaalkacayo, arrintaas oo Puntland ay ku tilmaantay mid xadgudub ku ah qawaaniinta caalamiga ah ee la xiriira dhanka duulimaadyada.

Ugu dambeyntii waxaa war-saxaafadeedka lagu sheegay in Puntland ay diyaar u tahay markasta wadahadal iyo inay dhawrto deris wanaaga, haseyeeshee marna aysan ogolaan doonin in lagu soo xadgudbo xuduudaheeda iyo goobaha halbowlaha u ah dhaqaalaha.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM