Puntland: Arday gaaraysa 15 kun oo u fariistay Imtixaanka Shahaadiga ah

Image
Image

GAROOWE, Puntland- Madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta daah furay Imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiyada sare iyo hoose ee deegaanada maamulkaas oo ay u fariisanayaan Arday gaaraysa 15 kun.

Xaflad saaka xilli hore lagu qabtay Iskuulka Gambool, ayaa lagu daah-furay Imtixaankan oo ay qaadayso wasaaradda Waxbarashada Puntland, kaasoo ka dhacaya 100 xarumood.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Puntland, Abshir aw-Yuusuf Ciise, ayaa sheegay in Imtixaankan loo qaadayo si midaysan islamarkaana ay wasaaraddu ku howlaneed muddo sidii loo qaban lahaa.

Madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gas, ayaa Ardayda galaysa Imtixaanka u rajeeyay guul, wuxuuna tilmaamay in aqoontu tahay midda maanta lagu bad-baadin karo dalka.

"Waan ku faraxsanahay inaan idiin imaado oo aan ajiibo martiqaadka aad iigu yeerteen in aan furo imtixaanka sanad dugsiyeedka sandkaan, waa wax wanaagsan in maanta intaas oo goobood ay ka dhacayso imtixaankii shahaadiga ahaa ee fasalka sideedaad iyo fasalka afraad ee dugsiga sare, waxay muujinaysaa dedaalka  ay wasaaradda iyo Dowladduba samaysay,  in waxbarashadu ay gaarto Gobol walba, Degmo iyo tuulo walba ee istaahisha in iskuul laga suubiyo waa guul usoo hoyatey Puntland iyo Soomaaliyaba, waxay muujineysaa baahinta waxabarsahada mustaqbalka siday muhiim noogu tahay , dad waxbartey baa guul iyo horumar gaara, idinkana waan idinku amaanayaa in aad laba iyo toban sano aad soo dedaalayseen, waxaas oo dhami ad-adayg bay muujineysaa, idinkoon aan imtixaankii galin baa tihiin dad guuleystey mar haddaad imtixaan diyaar u tihiin, lafteeda ayaa guul ah dabcan waxbarshadu maanta  halkaan kuma eka jaamacad baa idin sugeysa intiina fursad u hesha, waxaan idiin rajeen guul, wejiyadiina farxad baa iiga muuqata waana guuleysanaysaan Insha Allaah, aad iyo aad baad u mahadsantihiin, Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Sannadkii 15aad ayaa Wasaaradda Waxbarashada Puntland qaadaysaa Imtixaanka Shahaadiga ah, waxaana tirasada sannadkan u fariisanaysa ay aad uga yartahay kuwii ka qayb qaatay labadii sano ee la soo dhaafay.

Imtixaanada Dugsiyada sare iyo Hoose ee Puntland ayaa la mideeyay sannadkii 2012.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM