Puntland: Askari ku dhintay Qarax ka dhacay Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland- Weerar loo adeegsaday Bambaanooyin gacanta laga tuuray ayaa caawa fiidkii lagu qaaday guri ay leeyihiin ciidamada ilaalada waddooyinka [Taraafikada] Puntland ee gobolka Bari.

Mid kamid ah ciidamadii ku sugnaa xaruntaas oo aan ka fogayn dekedda Boosaaso ayaa geeriyooday, sida ay Garowe Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo ka agdhawaa goobta falkaas ka dhacay.

Labo Bambo oo ah nooca gacanta laga tuuro ayaa lagu weeraray xarunta Taraafikada magaalada Boosaaso, sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

Weerarka waxaa sidoo kale ku dhaawacmay labo kamid ah ciidamadaas, kuwaasoo la dhigay cusbitaalka Guud ee Boosaaso.

Ciidamo katirsan kuwa ammaanka Puntland, ayaa goobta soo gaaray kuwaasoo sameeyay baaritaano aan la shaacin natiijadooda.

Ilaa hadda majirto cid sheegatay weerarka lagu qaaday xarunta ciidamada Taraafikada magaalada Boosaaso.

Ururrada Daacish iyo Al Shabaab, ayaa inta badan weerarada caynkan ah ka gaysta gobolka Bari oo amnigiisu hagaagsanaa tan iyo booqashadii Madaxweyne Farmaajo kadib.

Taliska Taraafikada iyo dowladda Puntland, wax war ah kama soo saarin tallaabadaas.

Dhawaan ayay ahayd markii Miinooyin is-xigay oo dhulka lagu aasay lagu dilay labo kamid ah saraakiishii Miino Baarista Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay in Daacish looga adkaadey Dagaalka Calmiskaad

Si kastaba ha ahaatee, ilo maxalli ah ayaa sheegay in dagaalyahannadu weli ku dhuumaalaynayaan deegaanka.

  • Puntland

    25-10-2025

  • 01:36PM

Soomaaliya: Hoggaamiyaha Daacish oo La La’yahay Iyadoo Kooxdiisa looga adkaadey Dagaalka Cal-Miskaad  

Madaxweyne Donald Trump ayaa sanadkii hore si maldahan u sheegay in Muumin laga yaabo in la dilay.

  • Puntland

    22-10-2025

  • 06:06PM