Puntland: Beel-daaje lagu caleemo-saaray Carmo [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

CARMO, Puntland- Beel-daajihii 19aad ee saldana Cali Saleebeen ayaan maanta lagu caleemo saaray degmada Carmo ee gobolka Bari, waxaana kasoo qayb galay madax katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, Puntland, isimo isaga kala yimid gudaha Puntland, Somaliland, Dowladda deegaanka Soomaalida Ethiopia, Jabuuti, Qurbajooga iyo marti sharaf kale.

Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil, ayaa loo caleemo-saaray inuu noqdo Beeldaajaha guud ee Beelaha Cali Saleebaan.

Dad lagu qiyaasay inay ka badanyihiin 4 kun oo qof ayaa goob joog ka ahaa munaasabadda Caleemo-saarka oo si maqaam sare leh loo agaasimay.

Khudbado tiro badan ayaa laga soo jeediyay, waxaana hambalyo loogu diray Beeldaajaha kaasoo laga codsaday inuu ka shaqeeyo midnimada iyo isu soo dhawaynta umadda uu hogaanka u yahay.

Isimada ugu caansan Puntland oo goobta hadalo kala duwan kasoo jeediyay ayaa sheegay inay la shaqaynayaan Beeldaajaha islamarkaana waxay fareen fariin ku adaan inuu noqdo mid markasta maslaxadda ka shaqeeya.

Xubno katirsan golayaasha dowladda Federaalka Soomaaliya oo iyaguna hadlay ayaa bogaadiyay calaama-saarka Beeldaajaha, waxayna xuseen in hambalyo ay uga sidaan dowladda dowladda dhexe gaar ahaan Ra'isal wasaaraha iyo Madaxweynaha.

Madaxda dowladda Puntland gaar ahaan Madaxweyne ku-xigeenka iyo Madaxweynaha oo hadalo kooban jeediyay ayaa Beeldaaje Maxamed ka codsaday inuu ka shaqeeyo sidii uu nadab u dhex dhigi lahaa beelaha colaado dhextaalo iyo qaabkii uu uga shaqayn lahaa dhammaynta dhibaatada ka taagan Xumbays.

"Waxaan u ducaynayaa una hambalyeynayaa beeldaajaha iyo beesha Cali Saleebaan gaar ahaan gudigigii xafladda caana shubka,  si qurux badan ayaa xafladda ugu faro yaraysateen waan idiin ducaynayaa waxaad gaarsiiseen heer sare, waa inaad adeecdaan beeldaajaha oo aad si fiican ugu dhago nuglaataan, beeldaaje Maxamed waa nin ku filan howsha loo idmaday cilmi, caqli, iyo darajo intaba ugu filan" ayuu yiri Madaxweyne Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  oo hadal kooban ka jeediyey munaasabadii caasno shubka ayaa waxaa uu Beeldaajaha Beesha Cali Saleebaan Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Cabdulaahi, ayaa yiri, "Beeldaaje waxaa lagaa rabaa in aad wakhtiga nabadda nabad ku hogaamisid beesha, wakhtiga colaaddana nabad ku hogaamisid beesha anana waan kugu taageereynaa, waxaan rabnaa nabada inaad ka bilowdo xunbays iyo rako sigaara ayey kuu sugaysaa wakhti adagna waad ku soo aaday... Beesha Cali Saleebaan waxaan leeyahay waxaaad hesheen Beeldaaje dhalinyaro ah, aqoon yahan ah, golo joog leh, waxaa la idinka rabaa marka in aad si wanaagsan ula shaqaysaan."

Xafladda oo waqti badan socotay ayaa maanta galinkii dambe lasoo gaba-gabeeyay, waxaana wufuudii ka qayb gashay qaybtood u hoydeen magaalada Carmo halka kuwo kale aadeen magaalada Boosaaso.

Maalinta Isniinta ayaa la filayaa wafdiyadaas dib ugu laabtaan goobihii ay ka yimaadeen, waxaana Madaxweyne Gaas kormeer gayn doonaa xubno wasiirro iyo xildhibaano isugu jira oo kayimid dhinaca dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo soo tusi doona xarumaha dowladda ee magaalada Boosaso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM