Puntland: Beelo dagallamay oo gaaray heshiis hor-dhac ah

Image

GAROOWE, Puntland- Wax-garadka Puntland ayaa wada dedaal ku aadan sidii loo dhammayn lahaa Colaadda u dhaxaaysay Mallayshiyo beeleedyo kasoo kala jeeda laba Beelood oo ku dagaalamay deegaanada Cagaare iyo Qorilay oo ku yaalla xuduuda ay wadaagaan gobollada Sool iyo Nugal ee Puntland.

Cuqaasha laba dhinac ayaa ku hishiiyay in marka hore la joojiyo dagaalka oo la kala qaado Ciidamada beeleedka hubaysan, sida uu Radio Garowe u sheegay Nabadoon Baashe Cabdilaahi Bootaan Dhalaal oo goobjoog u ahaa is-afgaradka colaadaas lagu soo afmeerayo.

Nabadoon Baashe ayaa intaas ku daray in wali ay is hor-fadhiyaan Maleeshiyaadkii dagaalamay, balse ay rajaynayaan in la kala qaado maalmaha soo socda.

Dhalaal, oo isagu ka mid ah waxgaradka ka soo jeeda dhanka Gobolka Mudug ayaa tilmaamay in ka beel ahaan ay soo dhaweynayaan heshiiskan bilowga ah.

Dawlada Ethiopia oo kaashanaysa Odayaasha labada dhinac ayuu xusay inay qayb ka tahay joojinta dagaalka labada beelood, isagoo xusay in heshiiskan oo dhammaystiran dhawaan la shaacin doono.

Dagaalkan oo u dhaxeeya beelo kasoo kala jeeda gobollada Sool iyo Mudug, ayaa colaadoodu salka ku haysa murano ka dhashay dhul-daaqsimeed inkastoo dhowr jeer oo hore sidaan oo kale u dagaallameen.

Khasaaro naf iyo maalba leh ayaa labada dhinac soo kala gaaray mudadii uu dagaalku socday, waxaana uu kusoo beegmay xilli sannado kahor heshiis ay ka qayb qaateen waxgaradka Puntland uu dhigayay in labada beelood ay joojiyaan colaada ismarkaana kala qaataan dhibaanta wixii ku dhintay colaadaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM