Puntland: Camey "Lacag la i siiyay Majirto" [Dhagayso]

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey oo kasoo laabtay safar uu ku tagay waddamada Zambia iyo Kenya ayaa ka hadlay socdaalkiisa, arrimo la xariiray mowqifkiisa shirka Kismaayo iyo qaabka warbaahintu u tabisay warar sheegayay inuu taageero lacageed ka helay xukuumadda fadhigeedu yahay Muqdisho.

Camey oo saxaafadda kula hadlayay Garoowe, ayaa beeniyay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay siisay lacag xilli uu sii maray Muqdisho kahor intuusan tagi magaalada Nairobi.

"Waxyaabo faro badan bay ila tahay ayaa miidiyadu sheeg sheegaysay, waxaan cadaynayaaa inaysan jirin cid aan kula kulmay Xamar sii socodkii iyo soo socodkii, lacag la i siiyay oo markaa uga baahnaa dowladda Federaalka Soomaaliyana inaysan jirin," Ayuu yiri Camey.

"Dadka Bayroolka dowladda ku jira ee burushka Xaaraanta ah sita, waxaan leeyahay war umadda u tura idinkuna la fihiina u tura, waxaan leeyahay wararka beenta ah ee la fidinayo ha la joojiyo." ayuu hadalkiisa ku daray Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo aan caddayn cidda uu hadalkaas ula jeedo, balse markii uu ka dhoofayay magaalada Garoowe maalmo kahor waxaa joogay TV-ga dowladda kuwaasoo ka duubay codkii uu kaga hadlay shirka Kismaayo ee warbaahintu isticmaashay kaasoo dhaliyay muranka badan, waloow TV-ga xukuumadda Puntland laga reebay hadalkaas uu ku naqdiyay shirka Kismaayo qodob wareedkii waqtigaas baxay.

Camey ayaa sidoo kale beeniyay inu aqoon u leeyahay Fahad Yaasiin islamarkaana aysan jirin xiriir labadooda dhex maray. Mar uu ka hadlayay sababta keentay in lagu shaabadeeyo inuu lacag ka qaatay dowladda Soomaliya wuxuu ku macneeyay mowqifkiisa Shirka Kismaayo.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay inuusan jiri doonin fasax dambe uu u qaadanayo inuu la kulmo Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay casuumad u fidisay maamul goboleedyada, si looga xaalo arrimaha taagan isagoo ugu baaqay inay laga shaqeeyo midnimada dalka, balse baaritaan uu sameeyay Warsidaha Garoowe Online wuxuu ogaaday inaysan jirin casuumad rasmi ah oo lasoo gaarsiiyay madaxda maamullada dalka.

Dhinaca kale Camey ayaa sheegay in shirkiisa dibadda uu kusoo dhammaaday guul isagoo shacabka Puntland ugu baaqay midnimo sidoo kalena soo dhaweeyay amniga ay haystaan kaasoo ka codsaday inay ilaashadaan.

Imaanshaha Camey ayaa kusoo beegmay Xilli Madaxweyne Gaas ku suganyahay Boosaaso, waxaana labada mas'uul aad ugu kala qaybsameen shirkii Kismaayo kaasoo markii dambe Guddoomiyaha madaxda maamulladda loogu doortay Madaxweynaha Puntland.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM