Puntland: Caynsane oo loo doortay Guddoomiyaha ururka MAP

Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Wariye Maxamed Daahir Caynsane ayaa loo doortay Guddoomiyaha ururka warbaahinta Puntland ee MAP isagoo ku guulaystay codad gaaraya 51 cod.

Caynsane ayaa wareegii 2aad ka guulaystay Abaadir Cabdulqaadir oo helay 42 cod.

Guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqay natiijada, waxayna sheegeeen in Caynsane uu ururkan hogaamin doono saddexda sano ee soo socota.

“Caynsane wuxuu helay 51 cod, Abaadirna wuxuu helay 42 cod, sidaas waxaa Guddoomiyaha MAP noqday Maxamed Daahir oo saddexda sano ee soo socota hogaamin doona ururkan,” sidaas waxaa yiri Faysal Boston oo ah Guddoomiyaha Guddiga doorashada shirweynaha ururka MAP ee ka socday Garoowe maalintii saddexaad.

Hadal kooban oo uu jeediyay murashaxa laga guulaystay, Abaadir Cabdulqaadir, wuxuu ku sheegay inuu aqbalay natiijada islamarkaana doorashadu u dhacday qaab xalaal ah.

Murashaxa Guulaystay, Maxamed Daahir, ayaa isna codsaday in lala shaqeeyo isagoo tilmaamay in la’aanta Wariyaasha Puntland uusan keeni karin is-badal.

Faysal Khaliif Barre, oo ahaa Guddoomiyihii hore ee MAP, ayaa u hambalyeeyay Maxamed Daahir, wuxuuna ugu baaqay inuu halkaas kasii wado shaqadii socotay inkastoo uu xusay in xil-wareejintu mar kale noqon doonto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM