Puntland: Cudurka AIDS-ka oo kor u kacay [Dhagayso]

Image

GAROOWE, Puntland- Tirada dadka uu asiibayo cudurka AIDS-ka ayaa la sheegay inuu kor u kacay deegaanada Puntland, sida ay xaqiijisay hay'adda Puntland u qaabilsan cudurkan.

Agaasimaha PAC, Cabdulqaadir Maxamed Bur-burshe, ayaa sheegay in muddooyinkii dambe uu cudurkan uu si xowli ah u faafayay sababo ay kamid tahay wacyigalin la'aan haysata bulshada.

Bur-burshe ayaa sheegay in sannadkii 2015 goobaha caamka ah lagu baaray dad tiradoodu gaarayso, 3574 qof waxaana laga helay 114 qof oo 61 kamid ah ay ahaayeen Dumar. Sannadkii 2016 waxaa goobaha caamka ah sidoo kale lagu baaray, 4197 waxaana laga helay 124 oo 69 kamid ah ay ahaayeen Dumar. Sannadkan socda ee 2017 waxaa meelaha caamka ah lagu baaray 12500 oo qof, waxaana laga helay 320 qof.

Dadka cudurkan laga helay waxaa sannadkii 2015 dawada ilaalisa difaaca qaadanayay 300 qof, 2016 waxaa qaadanayay 377, halka sannadkan dhammaadka ah ay qaadanayaan 424 qof.

Shaxdan ayaa muujinaysa in dadka cudurkan laga helay aysan ku jirin kuwii lagu baaray xarumaha caafimaadka ee khaaska ah. Sidoo kale waxaa aad u kal fog tirada dadka qaata dawada iyo kuwa laga helay, taasoo la aaminsanyahay inay sabab u tahay faafitaanka cudurkan.

Agaasimaha PAC, oo sharaxayay sababta keentay in cudurkan uu faafo ayaa sheegay in dadka la nool cudurkan loo moojiyay faqooq, laga dhex-saaray bulshadii sidoo kale laga dhigay kuwo go'doonsan, markaas kadib iyaguna ku aargoosteen inay faafiyaan Fayraska HIV.

Arrintan oo halis ku ah caafimaadka bulshada ayaa Agaasimuhu tilmaamay in samayn doonaan tallaabooyin cusub si loo bad-baadiyo kuwa caafimaadka qaba, wuxuuna xusay inay wacyigalin ka samayn doonaan Iskuulaadka, Masaajidda iyo warbaahinta.

Bur-burshe oo ka hadlayay xuska maalinta AIDS-ka Adduunka ayaa ka codsaday in dadka la nool cudurkan inay dawada qaataan, halka uu talo ahaan ugu soo jeediyay kuwa kale inay is-baaraan oo hubiyaan caafimaadkooda.

Dhinaca kale, dadka qaba cudurkan ayaa walaac ka muujiyay noloshooda iyo in dowladdu ka gaabisay xuquuqdii ay ku lahaayeen mujtamaca, iyagoo tilmaamay in laga saaray guryihii, sidoo kale laga cayriyay xarumihii ay ka shaqayn jireen.

Balse Madaxweyne ku-xigeenka Puntland iyo Xildhibaano katirsan dowladda ayaa ballanqaaday inay samayn doonaan sanduuq dadkaan dhaqaale loogu aruurin doono.

Soomaaliya ayaa kamid ahayd goobaha uu cudurkan ku yar-yahay balse, waxaa muuqatay muddooyinkii dambe inuu si xowli ah u faafayay cudurkan, kaasoo lagu kala qaado dheecaan dheecaan gaaray, sida Galmada iyo Isticmaalka biro uu adeegsaday ruux qaba cudurkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM

Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

  • Puntland

    16-04-2024

  • 05:26AM