​Puntland: Ereg oo ammarro amniga ku saabsan soo saaray

Image

GAROWE, Puntland- Taliyaha ciidamada Booliska Puntland Jen.Cabdulqaadir Shire Faarax (Erag) oo maanta Shir Jaraa'id ku qabtey magaalada Garowe, ayaa soo saaray ammaro ku aadan sidii loo adkayn lahaa ammaanka magaalooyinka waaweyn.

Ereg, ayaa sheegay in muddooyinkii dambe soo badanayeen dhalinyaro aad u da'yar oo hubaysan kuwaasoo dadka ka furta hantida ay wataan, wuxuuna sheegay in ciidamadu har iyo habeen si joogto ah u howl galayaa, wuxuuna shacabka ugu baaqay  inay ka gacansiiyaan sidii dhalinyaradaasi gacanta loogu dhigi lahaa.

Wuxuu bulshada ku wargaliyay inay lasoo wadaagaan xogaha amni ee ay hayaan, isagoo ugu baaqay in ciddii Shacabka ka mid ah oo  warbixin la wadaagta booliska, xogtooda la galin doono gacan amni ah,isla markaana aysan waxba uga imaadoonin ,lana abaalmarindoono, wuxuuna intaas ku daray in isku xirka shacabka iyo Boolisku meel fiican marayo.

Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland, ayaa sidoo kale soo saaray wareegto ku aadan Bacaha madow ee lagu dhajiyo Muraayadaha Gadiidka lo ogolyahay  Madaxweynaha Puntland,Ku Xigeenkisa, Gudoomiyaha Barlmaanka iyo labadiisa ku xigeen oo kaliya,wixii intaas ka so hara ay Ciidamada Boolisku amar u qabaan inay ka fiiqaan,Mar ka labaadna ay sharciga horgeeyan.

"Anigoo tixraacaya Digreeto 13-7-2014-kii ka so baxday Madaxweynaha Puntland waxaan Maanta si rasmi ah u mamnuucay Isticmaalka Bacaha madow ee Gaadiidka,waxaana sharcigu u ogalyahay inay isticmaalan Madaxda Sare iyo ku xigeenadooda oo kaliya,wixii intaas ka so hara istcmaalkoodu waa sharci daro waana in laga fiiqa,"Ayuu  yiri taliyuhu.

Jeneral, ayaa ku tilmaamay sababta ay u mamnuucen isticmaalka bacaha madow in ay tahay iyadoo ay ku dhuuntaan danbilyaasha iyo kuwa dulmiga ka gaysta deegaanada Puntland.

"Waa ogtihiin in Bacaha madow ay noqdeen meel danbiilayaasha, dhagar-qabayaash ah uga dhuuntaan Booliska iyagoo dhibaateynaya Shacabka Puntland, ma ogolaandoono in la isticmaalo wax amniga dalka wax u dhimi-kara, waana sababta aan u mamnuucay maanta una bilaabayno Howl-gallka aan kula dagaalamayno,"Ayuu hadalkiisa ku daray Mudane Ereg.

"Mar kale ayaan ku celinayaa waa in Amaawiirtan madax iyo shacabba loo hogaasamaa, cidii ay ugu dhagantahay hadda ha iska fiiqeen, ciddii ku fakaraysa ha ka waantooban ogaada ma ahan in intaan Maalmo wadno aanan iska dhaafi-doono Dagaalkii suuj, garmaal iyo Garacad oo kale ayaan Mabacaha madow ku qaadi doona waan la dabar jaridoona," Ayuu taliyuhu hadalkiisa sii raaciyay isagoo warbaahinta kula hadlayay xarunta taliska Booliisku ku leeyahay magaalada Garowe.

Maaha markii ugu horaysay la mamnuuco bacaha madow oo si wadajir ah ammar loo dul dhigo shacabka iyo mas'uuliyiinta, hadana waxa kaliyah ee go'aankaas lagu fuliyo ayaa ah shacabka, halka mas'uuliyiinta dowladda aan gawaaridooda laga fiiqin bacaha madow.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM