​Puntland: Ergayga Midowga Yurub oo Garowe kulamo ku qaatay

Puntland

GAROWE- Ergayga Midowga Yurub ee Somalia Michele Cervone d'Urso, ayaa maanta soo gaaray magalada Garowe caasumadda Puntland, wuxuuna la kulmay madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Farole iyo siyaasiyiin kala duwan. 

Safarkan Cervone, uu ku yimi maanta magalada Garowe ayaa la xiriirta qorshayaal lagu hormarinayo waxbarashada gaar ahaan barnaamij ay waddo hay'adda Care Internationala, balse dhaqaalaha ay bixinayso Midowga Yurub. 

Kulanka uu la qaatay siyaasiyiinta gaar ahaan Madaxweynihii hore Farole, waxay kawada hadleen arrimo la xiriira siyaasadda Somalia iyo doorashada 2016.

Shirarkan, ayaa daba socda kulamadii dhawaaan ka dhacay magalada Garowe ee looga hadlayay nidaamka la sheegay in lagu salayn habka wax ku qaybsiga beelaha, waxaana Midwga Yurub taageero siisaa dalka Somalia.

GAROWEONLINE

Warar la xiriira

GAROWE- Madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxman Sheekh Maxamed Maxamud Farole, ayaa ka hadlay kulan ay la qaateen Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia Micheal Keating, wuxuuna sheegay inay ula tageen qoraal ka hadlay waxyaabaha la isku hay ...

Wararkii ugu dambeeyey