Gaas oo jebinaya Dastuurka, cadaadisna saaray gudiga amniga [ DAAWO]

Image

GAROOWE, Puntland - Guddiga Amniga Puntland ayaa maanta oo Axad ah soo saarey qodobo ku qotomo doorashadda Madaxwaynaha ee kusoo wajahan maamulkaan, taasi oo ay ka harsan tahay muddo 80-cisho ah.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab, oo warbaahinta la wadaagey qodobadaasi ayaa ugu horeyn sheegay in wariyaasha loo baahan yahay inay isa soo diiwaan geliyaan.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu afka ku balaariyay in ujeedada ka dambeysa talaabadani ay tahay inaanan la baahin warar wax udhimaya xasiloonida iyo hab-sami usocodka doorashadda.

Qarjab ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in murashaxiinta doorashadda u tartameysa dhinacooda looga baahan yahay inay kusoo war-geliyaan maamulka marka ay qabanayaan shirar ku saabsan olalahooda doorasho.

Su'aasha is-waydiinta mudani waxay tahay maxaa xiligaan xasaasiga ah kusoo beegay go'aamada uu Guddigu soo saarey, waxaana la fahansan yahay in Madaxwayne Gaas uu arrintaan gadaal ka riixayo.

Gaas oo aanan wali kala caddeyn hadii uu Murashax yahay iyo inkale ayaa faragelinaya shaqadda Guddiga Amniga ee dowladda Puntland, ka hor doorashadda 2019, taasi oo baalmarsan Dastuurka u degan maamulkan 20 sano jirsaday.

Madaxweynahan waqtiga kasii idlaanaya  ayaa ku cadaadinaya Guddiga inay soo saaraan qodobo uu Murashaxiinta loolanka kula jirto uga hor-istaagayo inay dhaqdhaqaaqyo ka sameeyaan caasimada Garowe.

Arrimaha kale ee uu Gaas ku riixay Guddiga waxaa kamid ah inay soo saaraan xakameynta la hadalkooda warbaahinta ayaa kamid ah iyo in wariyaasha aanan wareysi ka qaadi karin ciday doonan.

Go'aanadda Guddiga Amniga Puntland soo saarey ayaa kusoo aadaya xili habeenimadii Axadda ay baajisay Madaxtooyadda kulan uu Wasiirka Qorshaynta Federaalka la qaadan lahaa Arday.

Arrimahaan oo dhan ayaa kusoo aadaya xili Gaas uu wajahayo loolan siyaasadeed oo dhinaca doorashadda, waxaana maamulkiisa uu noqdey midkii ugu musuq-maasuqa badnaa tan iyo markii la aas-aasey Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM