Puntland: Gaas oo kala diraya golaha degaanka Degmada Galkacayo [ XOG]

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Wararka warsidaha Garowe Online ka helayo ilo lagu kalsoon yahay oo ku dhow madaxtooyada Puntland ayaa sheegaya in Madaxweyne Gaas  qorsheynayo inuu kala diro golaha degaanka degmada Galkacayo.

Madaxweynaha Puntland ayaa qorsheynaya in Gudoomiyaha Degmada Galkacayo ee xarunta gobolka Mudug si KMG ah u magacaabi doono Axmad Cali Salaad. Mudane Axmad Cali Salaad ayaa horey xilalka Gudoomiyaha gobolka iyo Degmada Galkacayo u soo qabtey xiligii dowladdii hore ee Madaxweyne Farole.

Gudoomiyaha Degmada Galkacayo Cabdocasiis Jamac Nugaal oo ka tirsan qurbo joogta Puntland xilalka u soo doonatey sanadkii 2014 ayaa isaga iyo golihisa degaanka lagu eedeeyey inta ay xilka hayeen musuqmaasuq iyo is_qabqabsi dhexdooda ah.

---Taliyaha ciidamada Birmadka oo xilka laga qaadey

Taliyaha ciidamada Birmadka Cabdirashid Xasan Xaashi [ Gabi Gabi] islamarkaana ahaa ku xigeenka Taliyaha qaybta gobolka Mudug ayaa waxaa xil  ka qaadis ku sameeyey maalmihii lasoo dhaafey Taliyaha ciidamada Booliiska Puntland.

Xil ka qaadista Gabi Gabi ayaa timid kadib markii khilaaf soo kala dhexgaley Taliyaha ciidamada Booliska iyadoo warar kale sheegayaan in Madaxweyne Gaas bixiyey amarka shaqada looga joojiyey sarkaalkaan.

Wararka ayaa tibaaxayaan in Taliyihii Birmadka ee xilka laga qaadey laga dhigey taliye ku xigeenka qaybta gobolka Nugaal balse uu diidey inuu qabto mas'uuliyadaas iyadoo xogaha qaar sheegayaan in Madaxweyne Gaas ka codsdey inuu xilka sii hayo inta uu helayo sarkaal kale uu xilka kala wareega.

Taliyaha Birmadka ayaa gacanta ku haya hub tekniko ah oo taasoo Madaxweynaha Puntland wel wel ku haysa iney gacan kale gasho.

Sarkaalkaan oo aad isugu dhowaayeen Madaxweyne Gaas ayaa wararku sheegayaan in xiriirkooda xumaadey kadib markii warar saxaafada uu siiyey ku sheegey in dhibaato dhaqaale xumo haysato ciidamada amniga Galkacyo. HALKAN KA DHAGEYSO 

Magaalada Galkacayo ayaa amaankeeda faraha ka sii baxayaa wayadii ugu dambeysay iyadoo kooxaha argagixisada beegsanayaan dadka muhiimka ah.

_Qorshaha Madaxweyne Gaas ee Galkacayo

Madaxweyne Gaas oo talada Puntland la wareegey bilowgii sanadka 2014 ayaa horey u sheegey in xukuumadihii isaga ka horeeyey dayaceen gobolka Mudug isagoo ku goodiyey inuu wax ka badali doono nolosha degaankaas marka laga eegi dhinac amni iyo dhaqaale.

Mudane Gaas oo fadhiga xukuumada in muddo ah u wareejiyey magaalada Galkacayo ayaa la rumeysan yahay in balanqaadyadii dib u dhisida goobaha la burbiriyey iyo in la helo maamul wanaagsan ee ka shaqeeya amniga iyo hurumarinta gobolka Mudug gaar ahaan magaalo madaxdiisa Galkacyo uu ku guuldareystey.

Talaabooyinka uu qaadey Madaxweyne Gaas inta uu ku sugnaa magaalo madaxda gobolka Mudug ayaa sidoo kale keeney dagaal xukuumadiisa la gasho maamulka cusub ee Galmudug kaasoo abuurey khasaaro dhimasho, dhaqaale iyo siyaasdeed kuwasoo guud ahaan saameeyey Puntland.

Dhibaatooyinka ugu balaaran ee haysta gobolka Mudug ayaa dad badan waxaa ay rumeysan yihiin iney ka imaaneyso wada shaqeyn la'aanta u dhexeysa hay'adaha dowlada sida maamulka gobolka, Degmada, taliska qaybta Booliska iyo hay'adaha amniga kale sida Daraawiishta kuwasoo Gabi ahaanba ay ka dhexeeyaan khilaaf siyaasdeed oo soo jireen ah.

Dadka siyaasada Puntland la socda ayaa aaminsan in Madaxweynaha Puntland oo iminka talada haya uu isagu qayb ka yahay muranka iyo is qabqabsiga hay'adaha dowliga ah ee gobolka  madaama uu dhalasho ahaan kasoo jeedo gobolkaas.

Xubno kale oo u dhuundaloola siyaasada gobolka ayaa rumeysan in kamid ahaanshaha Madaxweynaha Puntland  wadashaqeyn la'aanta ka dhex jirta hay'adaha gobolka  ka imaaneyso go'aan qaadashadiisa ku aadan xalinta khilaafyada saraakisha dowlada u shaqeysa ee gobolka kuwasoo u arka  inuusan dhexdhexaad ka aheyn. 

Dhinaca kale Madaxweyne Gaas oo muhiimad gaar ah siinayey bilihii ugu dambeeyey ee sanadkaan arrimaha Federaalka ayaa waxgaradka Puntland waxey aaminsan yihiin iney qayb ka tahay is-qab -qabsiga iyo musuqmaasuqa ragaadiyey hay'adaha dowlada Heer gobol iyo Dhexe. 

Waxgaradka Puntland ayaa is_waydiinaya sidoo kale Danta gaarka ah ee siyaasadeed ee ugu jirta Madaxweyne Gaas isku mashquulinta arrimaha  Federaalka xilli dayac badan ka taagan arrimaha siyaasadeed, dhaqaale iyo amni ee Puntland.

Mudane Gaas ayaa guddiyada doorasho ee Somaliya iyo Heer Federaal xubnaha uga mid noqdey Puntland ku darsadey shaqsiyaad aad ugu dhow siyaasad ahaan kuwasoo ka tirsan golihisa Wasiirada, xafiiska madaxtooyada iyo dad aad ugu dhow fikir ahaan. 

GAROWEONLINE 

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM