Gaas: "Wadanku wuxuu u baahanyahay xasilooni siyasadeed"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, oo ka hadlayay furitaanka shirka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamullada Soomaaliya, ayaa carrabka ku dhuftay in waddanku u baahanyahay xasilooni siyaasadeed iyo ka shaqaynta amniga.

"Waxaa loo baahanyahay Madaxweyne maadama aan isu wada-nimid inaan waxyaabo yar yar dul istaagno kolay ajandayaasha aan ka hadli doono ayay ku jirtaa. Waxaa ugu horeey waddankaan wuxuu u baahanyahay xasilooni siyaasadeed, waxayna ku imaanaysaa wadatashi, isu-imaatin, in inteenaani mar walba tashigeenu mid yahay, dalkuna xasilooni helo," Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland oo hadalkiisa ku sii daray in midnimadu ka bilaabato shirkan si dalka loo gaarsiiyo waxyaabaha uu hiigsanayo.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale soo hadal qaaday Dastuurka Soomaaliya oo qayb ka ah ajandayaasha looga doodayo kulankan, wuxuun Madaxweynaha ka codsaday in qodobkaas si qoto dheer looga doodo, maadama uu yahay heshiis bulshada u dhaxeeya.

"Waxaan rabnaa inay dhana socoto horayntii, maamul u samayntii, dhana ay socoto dowlad wanaagii, dastuurkii hormarintiisii, maxaa la yiraahdaa federaalayntii, dowlad wanaagsan inaan dhan dhisano, dhinaca kalena xorayntii dalka ay socoto, " Ayuu yiri Cabdiwali oo hadalkiisa sii raaciyay, "Shuruucda dalka lagu dhaqayo waa in dadka wax laga weydiiyaa oo maalin walba la maqal sharci hebel baa Barlamanku meel-marinayaa iyadoo aan waxba laga ogayn oo dadkii lagu dhaqi lahaa aysan waxba ka ogayn, wadatashi in laga yeesho oo aan loo muuqan in wax lala kala cararayo oo wax lakala boobayo."

Aqalka sare ayuu carrabka ku dhuftay, wuxuuna ku baaqay in la tixgaliyo oo la howlgaliyo maadama sida uu hadalka u yiri ay si dhab ah u matalaan dowlad goboleedyada dalka.

Dhinaca kale Cabdiwali Gaas ayaa ku dheeraaday qaababka looga guulaysan karo kooxda Al Shabaab, wuxuu tilmaamay in la la'yahay doorkii culimada iyo odoyaasha Dhaqanka.

Gaas, wuxuu soo jeediyay in la baraarujiyo dadweynaha, culimaduna ka hadasho afkaarta khaldan ee kooxdaan faafinayso oo ay dadka tusaan wadada xaqa ah islamarkaana la sameeyo qorshe kooxdaan looga sifaynay dalka oo dhan, isagoo madaxda ugu laab qaboojiyay in hadii gacanta la is qabsado oo hal mar duullaan la qaado Al Shabaab laga sifayn karo Soomaaliya oo idil.

Cabdiwali Maxamed Cali ayaa ku baaqay in cabsida la iska saaro maadama kooxdan aysan cidna u turayn, wuxuuna guul darrada ku tilmaamay baqdinta qofka ku jirta.

Hadalka Gaas ayaa kusoo aaday xilli maanta uu si rasmi ah u furmay shirka maamullada Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah ay uga hadlayaan xaaladda amni ee Soomaaliya iyo khilaafka siyaasadeed ee dhawaan soo kala dhexgalay. HALKAN KA DAAWO

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM