Puntland: Ganacsato lagu sheegey In hubka ay ka iibiyaaan argagixisada

Image

GAROWE, Puntland - Warbxin ay soo saartey Hay'adda QM u qaabilsan la socodka Xayiraadaha saaran Soomaaliya iyo Eretria [Monitoring Group]  ayaa warbixin ay uga hadashay hubka sharci darrada ee la geliyo Puntland ku xustey magacyada ganacsato caan ah.

Ganacsato kamid ah kuwa badeecaha lasoo daga, kana dhoofiya Puntland iyo shaqsiyaad kale oo horey loogu yaqaaney ka ganacsiga hubka, ayaa kasoo muuqday warbxinta Monitoring Group.

Kooxdan ayaa lagu tilmaamey in ay ku midoobeen Shabakad lagu magacaabo Qandalla-Hafun taasi oo hub ka iibisa Daacish-ta ku sugan Buuraha gobolka Bari, sida lagu sheegay Warbixinta Monitoring Group oo nuqul kamid ah Warsidaha Garowe Online uu akhriyey.

Xubnaha ugu fir-fircoon Shabakaddan waxaa kamid ah;

  1. Mahad Ciise Aadan oo loo yaqaano “Laboballe”, (Majeerteen/Cali Saleebaan).
  2. Saciid Guul Ismaaciil (Majeerteen/Cali Saleebaan)
  3. Ciise Maxamuud Yuusuf "Yulux" (Majeerteen/Cali Saleebaan).
  4. Maxamed Mire Cali Yuusuf "Soodareeri" (Majeerteen/Cali Saleebaan)
  5. Cabdirisaaq Cali Saciid Xuseen "Shaahdoon" (Majeerteen/Cali Saleebaan)
  6. Maxamed Cabdi Muuse (Majeerteen/Cismaan Maxamuud)
  7. Cabdimaalik Maxamed Cabdi Muuse
  8. Cabdi-ladhiif Yuusuf Barre "Deshiishe"
  9. Cabdi-fitaax Xayir (Majeerteen/Cali Saleebaan)
  10. Xuseen Saciid Yuusuf
  11. Liibaan Yuusuf Maxamed "Liibaan Dheere" (Majeerteen/Cali Saleebaan)
  12. Maxamed Xuseen Saciid Yuusuf
  13. Faa'iza Saciid Xasan Ismaaciil

Dadkan ayaa waxay ka ganacsadaan hubka noocyadii kala duwan, oo ay ka keenaan dalal ay kamid yihiin Iran iyo Yemen, iyagoo si sharci darro ah oo qarsoon uga iibiya Kooxda Daacish. 

Monitoring Group ayaa ku fahfaahisay Warbixinteeda ragga ugu waaweyn ee hormuudka ka ah Kooxdan Hubka soo gelisa Puntland, ee xiriirka ganacsi la leh Ururka Daacish.

Cabdi Maxamed Cumar “Dhofaye” oo kaaliye u ah Mahad Ciise Aadan “Labo-balle” waa ninka u qaabilsan Shabakadda Qandalla-Hafun inuu hubka u geeyo garabka Daacish ee gobolka Bari.

Buruuj Maxamed Cali Faarax (Majeerteen/Cali Saleebaan/Ismaaciil Cali), waa wadaha/naaquudyaha doon hubka loogu geeyo Daacish.

Waxaa ku jira raggan kusoo baxay Warbixinta Monitoring Group Maxamuud Maxamed Cali (Gaagaale) oo kasoo jeeda (Majeerteen/Ciise Maxamuud).

Gaagaale oo ah askari Booliska Puntland katirsan, sidoo kalena ah Mulkiilaha Shirkadda Gaagale Company, oo fadhigeeduu yahay magaalada Garowe waxaa lagu eedeeyay inuu u kala dulaalo hubka Daacish iyo Shabakadda Qandalla-Hafun.

Abshir Maxamed Barre (Darood/Jambeel) oo ah Mulkiilaha Goob Ganacsi oo lagu iibiyo qalabka Gaadiidka, oo lagu magacaabo Bahaya Spare Parts, oo ku taalla magaalada Boosaaso, ee xarunta gobolka Bari.

Axmed Ciise Yuusuf Maxamuud (Majeerteen/Cali Saleebaan), waa wiil uu dhalay Ciise Maxamuud Yuusuf “Yullux”.

Dowladda Puntland oo dagaal kula jirta iminka Kooxaha Argagaxisada Daacish iyo Al Shabaab iyo shaqsiyaadka la eedeeyay kama aysan hadlin wali Warbixinta UN Monitoring Group.

Halka Ka Akhriso Magacyada oo aan kasoo goynay in kabadan 160 Bogg oo Hay'adda QM u qaabilsan la socodka Xayiraadaha saaran Soomaaliya iyo Eretria kaga hadashay arrintan.

Qoraalka UN Monitoring Group

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM