Puntland: Garacad oo la sheegey in laga dhisayo Dekad

Image
Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo booqasho ku tagey dalka boqortooyada Sucuudi Carabia ayaa kulamo uu la qaatey maalqabeeno Carbeed ayaa la sheegey in heshiis ku gaareen in dekad laga dhiso tuulada Garacad ee ku taal gobolka Mudug.

Qoraal ku soo baxey Bogga Facebook ee ku hadla afka madaxtooyada Puntland " Puntland State House" ayaa lagu sheegey in Madaxweynaha Puntland oo booqasho ku joogey boqortooyada Sucuudi Carabiya 28 April, 2016 heshiis lagu dhisayo dekad ay yeelato magaalada Garacad gobolka Mudug iyo wado Iaami ah ee isku xirta Garacad iyo Galdogob uu la gaarey maalqabeen lagu magacaabo Amiir Suldaan bin Naasir bin Cabdicasiis Aala Sucuud.

Bogaan ku hadla afka madaxtooyada Puntland oo aan lagu sheegin qiimaha ay ku kacayaan hirgalinta mashaariicdaan ayaa sidoo kale xusey in maalqabeenkaan uu warshado kaluumeysi ka dhisi doona magaalooyin ku yaal xeebaha Puntland sida Eyl, Bargaal iyo Xaabo halka uu maalgashi ku sameyn doono ka ganacsiga xoolaha.

Saxiixa qoraalkaan ayaa ku soo beegmaya xilli horey Xukuumada Madaxweyne Gaas heshiis lagu balaarinayo dekada magaalada Bosaso oo ah xarunta ganacsiga Puntland la gaarey ganacsade Falsatiini ah kaasoo ilaa hadda aan bilaaban iyadoo dowlada aysan weli kasoo saarin wax hadal ah sababta keentey dib u dhacaan.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo dib ugu soo noqdey magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa la filayaa inuu ka dago xarunta ganacsiga Puntland maalmaha soo socda halkaasoo kaga qayb gali doono munaasabad lagu dhagax dhigayo dhameystirka garoonka diyaaradaha magaalada Bosaso kaasoo lacagta ku baxeysa bixineyso dowlada Talyaaniga halka lasoo marsiin doono urur goboleedka IGAD.


 Hoos ka akhriso qoraalka lagu qorey Bogga Facebook ee ku hadla afka madaxtooyada Puntland " Puntland State House"

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maalmahan hawlo shaqo oo muhim ah u joogey magaalada Riyaad ee caasimadda Boqortooyada Dalka Sucuudi Carabiya ayaa maanta 28-April-2016 heshiis taariikhi ah oo ku saabsan dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha Puntland waxa uu la saxiixday Maal-qabeenka weyn ee kasoo jeeda qoyska Boqortooyada Sucuudi Carabiya Amiir Suldaan bin Naasir bin Cabdicasiis Aala Sucuud.

Heshiiskaasi ay kala Saxiixdeen Madaxweynaha dawladda Puntland iyo maal-qabeenka sucuudiga ayaa ah dhismaha Deked laga dhisi doono magaalada Garacad ee Gobolka Mudug, waddo laami ah oo isku xidhi doonta magaalooyinka Garacad iyo Galdogob, iyo dhismaha Garoonka Diyaaradaha ee Cabdullaahi Yuusuf ee Gaalkacyo oo loo dhisi doono hab caalami ah. 

Sidoo kale Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Amiir Suldaan bin Naasir waxay ku heshiiyey in Amiirku maal-gashada Wershado kalluunka qasacadeeya iyo qaboojiyayaal waaweyn oo laga hirgelindoono deegaano xeebeedyada Puntland ee ay kamidka yihiin Laasqoray, Baargaal, Xaabbo, Ayl iyo Garacad. 

Maal-gashiga xoolaha nool iyo dugsiyo lagu baran doono xirfadaha kalluumaysiga, xannaanada xoolaha iyo beeraha ayuu sidoo kale ballan qaaday Amiirku in uu ka hirgelin doono deegaano kala duwan oo kamid ah gobollada Puntland, isla markaana waxaa laysla qaatay in heshiis kaasi sida ugu dhaqsiyaha badan loo hirgeliyo. 

Ugu dambayntii Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ka degey magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Ethiopia, halkaas oo uu shirar iyo kulamo kala duwan kula qaadan doono madaxda ugu sarraysa dawladda Ethiopia. Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ballan-qaaday markii uu la wareegey hoggaanka Puntland in uu is beddel muuqda ku samayn doono dhismaha kaabayaasha dhaqaala iyo koboca dhaqaalaha Puntland. 

---DHAMMAAD--- 

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM