Puntland: Guddoomiyaha Nugal oo ka hadlay rag la xiray

Image

GAROWE, Puntland- Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faraweyne ayaa ka hadlay afar qof oo maanta ciidamada amnigu dhigeen saldhiga dhexe ee caasumadda Puntland. Halkan ka Akhriso

Cumar Faraweyne oo waraysi gaar ah siiyay SBC ayaa sheegay in Afarta qof ee xabsiga ku jirta yihiin caadaystayaal samaystay urur aan waafaqsanayn sharciga islamarkaana aan la aqoon halka uu u socda kuwaasoo ku fushanaya arrimo liddi ku ah dastuurka iyo waxyaabihii lagu heshiiyay.

Waxay sameeyeen waxaan waafaqsanayn dastuurka Puntland oo ay ku sheegeen Madal, Dastuurkana meel ay madal kaga qorantahay ma jirto, cid kasta oo sharciga hareer martana sidaas ayay dambiile ku tahay  waana la qabanayaa,” Ayuu yiri Cumar oo hadda ku sugan magaalada Garowe.

Mar wax laga weydiiyay shakhsiyaadka la xiray inay ahaayeen Siyaasiyiin, wuxuu ku jawaabay, “Anagu siyaasiyiin maynaan xirin, siyaasigu wuxuu garanayaa sharciga, siyaasigu wuxuu ku kalsoonyahay dadkiisa, siyaasi wuxuu garanayaa ujeedada dowladda Puntland iyo Soomaaliya u socoto. Laakiin kuwo aan ku kalsoonayn sharciyadda Puntland, siyaasadana hadii ay isa soo taagaan aan macno ku yeelanayn, laakiin fowdo iyo qas hormuud u ah oo meelo kale lagasoo abaabulayo baanu xirnay oo sharciga Jabiyay, sharcigaana la horkayn doonaa.”

Isagoo ka hadlayay madasha xubnahaas ay samaysteen iyo inay dowladdu caburin ku hayso shacabka, wuxuu Cumar Faraweyne tilmaamay in shakhsiyaadkaas ay ka tallaabsadeen sharciga Dastuurkuna ogol yahay in dadku furtaan Axsaab siyaasadeed oo ay ka qayb qaataan dhismaha dalka, balse cidii ku dhaqaaqda waxaana lagu heshiin waa qof dambi galay.

Faraweyne oo sidoo kale ka hadlaya cidda bixisay amarka lagu xiray afartaas qof ayaa yiri, “Waxaa la yiri nin daad qaaday xumbo xuskay, halkan guddi nabadgalyo ayaa ka jira, aniga ayaana xukuma amarkana guddiga nabadgalyada ayaa bixiyay, mindhaa qolaa lacag lagaga doonanayaa Madaxweynahaa na xiray.”

Wuxuu intaas ku daray inay la kulmeen oo ay uga naseexeeyeen tallaabadaas, balse ay ka dhaga adaygeen taasina keentay in xabsiga la dhigo.

Ugu dambayn Guddoomiyaha Nugal ayaa beeniyay warar ay shakhsiyaadka xiran warbaahinta ka sheegeen oo ah in jirdil loo gaystey.

Been weeye, cid wax u gaysatay majirto, cid jirdishay majirto, hadii ay mas’uuliyiin yihiin sida mas’uuliyiinta ayay u socon lahaayeen,” Ayuu yiri Cumar Faraweyne oo hadalkiisa kusoo xiray, “Baaritaan ayaa ku socda marka uu soo dhammaado waxa uu sharcigu ka qabo ayaan ku qaadaynaa.”

Dhinaca kale Guddoomiyaha xafiiska difaacaha xuquuqda Insaanka Maxamed Yusuf Cali, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, ku sheegay sidan;

"Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland wuxuu cambaaraynayaa talaabada hay’adaha amniga ay xorriyadda maanta uga qaadeen siyaasiyiin iyo xubno kale oo bulshada ka mid ah.waxay ka hor imanaysaa talaabadaas xuquuqda madaniga iyo siyaasiga ee Dastuurka Puntland siiyey muwaadiniinta Qod. 14, 15, 16 19, iyo 41aad. Waxaan dalbanaynaa in 4ta qof ee la xiray xorriyadooda si degdeg loogu soo celiyo. Xafiisku wuxuu qaadi doonaa talaabo kasto oo xurriyaddooda loogu soo celinayo muwaadiniintaas."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM