Puntland: Gurmad laga sameeyay Masaajid ku yaalla Garoowe

Image

GAROOWE, Puntland- Guddiga gurmadka masiibadii ka dhacay magaalada Muqdisho ee lagu dilay in kabadan 300 qof ayaa gurmad ka sameeyay masaajidka Huda ee magaalada Garoowe, xilli uu socdo olole lagu caawinayo dadkii dhibaatadu kasoo gaartay Qaraxii ka dhacay Zoobe.

Lacago kala duwan ayaa guddigan kasoo galay qaar kamid ah dadkii kasoo qayb galay Barnaamijka loogu qaaraamayo dadkii ku waxyeelloobay qaraxiii dhacay 14 October, iyadoo ay ku jiraan qaar kamid ah shirkadaha ka howl gala caasumadda Garoowe.

Mid kamid ah Xildhibaanada Barlamanka Puntland ayaa guddiga ku wareejiyay lacag gaaraysa $6,600(lix kun iyo lix boqol oo dollar) oo uu sheegay in masiibadaas ay kaga qayb qaadanayaan golaha Shacabka Puntland.

Sidoo kale waxaa guddiga loo sheegay in Radio Garowe gacanta ku hayso ku 17 kun oo Dollar xilli Idaacaddaas ay ahayd xaruntii ugu horaysay ee caasimadda ka bilowday gurmadka.

Sidoo kale dhalinyaradda la magac baxay WaanAwoodnaa ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan lacag gaaraysan $10,000(Toban) kun oo dollar).

Wasaaradda Caddaalada Puntland ayaa iyaduna ololaha kaga qayb qaatay $1000(kun dollar).

Xawaaladda Iftin ayaa kaga qeybqaadatay aduun dhan $5000(shan kun oo dollar)

Farmashiyaasha Garoowe ku yaalla ayaa iyagana kaga qeyb qaatay Gurmadka Qaran aduun dhan $8700(siddeed kun iyo toddobo boqol)

Shirkadda Korontada NECSOM ayaa kaga qeyb qaadatay Gurmadka Qaranka aduun dhan $5000(shan kun oo dollar)

Shirkadda Biyaha Nuwaco ayaa iyana kaga qeyb qaadatay Gurmadka Qaran aduun dhan $5000(shan kun oo dollar)

Shirkadda OPEC Garowe ayaa kaga qeyb qaadatay Gurmadka Qaran aduun dhan $2000(labbo kun oo dollar)

Waxaa cajiib ah in wiil aad u yar hooyadiis inuu dhagaheeddii ka soo qaaday oo uu keennay Masjidka. Hooyadda wiilkan(Cumar yare) ayaa cullimadda ka codsatay inay ugu duceeyaan carruurteeda in eebbe u hanuuniyo.Allahu Akbar.

Shaqaalaha Salaam Bank ee Garowe ayaa kaga qeyb qaatay $500(shan boqol oo dollar) halka Nabadoon Haaruun ayaa baxsaday $1000. Caaqil ayaa baxsaday $500(shan boqol oo dollar).

Hooyo xanuunsan ayaa baxsatay $100 codsatayna in loo duceeyo maadaama ay xanuunsantahay.

Nin ka midda bulshadda ayaa bixiyey $400 oo uu yidhi iney tahay mushaarkiisii bisha actoobar.

Wiil aad u yar ayaa isna ku daray lacag dhan boqol kun oo shillin soomaali ah, wiilka ayaa Aabbihii kasoo qaaday lacag.

Bixin Spare Parts ayaa bixiyey $1000(kun dollar).

Nin ka midda bulshadda ayaa isna baxsaday $1000(kun dollar).

Wiil aad u da'yar ayaa aabbihiis ka soo qaaday lacag dhan $20(labbaatan dollar).

Mu'adinka masaajidka oo bixiyey $100(boqol dollar) oo mushaarkiisa ka mid ah.

Guddoomiyaha Degmadda Dongoronyo oo bixiyey $1000(kun dollar)

Wiil aad u da'yar ayaa bixiyey $5(shan dollar)

Wiil kale oo aad u da'yar ayaa bixiyey Boqol kun oo shillings soomali ah

Sheikh Dalmar Guureeye ayaa $500(shan boqol oo dollar) bixiyey, Kaah Electric wuxuu bixiyey $1000(kun dollar), Xawaaladda iyo bangigga Tawakal ayaa bixisey $5000(shan kun oo dollar)

Saddex wiil oo aad u yaryar ayaa kala bixiyey (labbo boqol oo shillings, boqol shilling, boqol shillings oo soomaali ah) wiil kale oo aad u da'yar ayaa dahabkii hooyadii soo qaaday oo gacan iyo dheggo iswata leh.
Duqa Degmadda Garowe ayaa bixiyey $1000(kun dollar)

Gurmadka Qaran ayaa habeenkii 1aad oo caaw toos looga bilaabay masaajidka AL-HUDDA, wuxuuna kusoo aaday xilli todobaadkan magaalada Garoowe laga dareemayay qaaraan xoog leh oo loo samaynayo dadkii dhibku gaarey ee ku waxyeelloobay qaraxii Zoobe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM