Puntland: Howlgal ka socda magaalada Boosaaso [Sawirro]

Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland- Ciidamada ammaanka Puntland, ayaa saaka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ka bilaabay qorshe ay kula dagaallamayaan bacda Madow ee lagu xiro baabuurta dadweynaha, taasoo dowladdu u aragto inay khatar ku tahay amniga.

Howlgalka noocaan ah oo inta badan ciidamadu samayn jireen habeenkii ayaa loo badalay maalin, sababo ilaa hadda aysan ka hadli dowladdu.

Shacabka magaalada Bosaso ayaase u arka in arrintan tahay mid lagu xoojinayo amniga magaalada oo u muuqda mid sii xumaanaya, kadib markii mallayshiyaad hubaysan ay weeraro ka gaysteen meelo aad loo ilaaliyo.

Waddooyinka muhiimka ah ee dadweynuhu isticmaalaan ayaa saaka la dhoobay ciidamo tiro badan oo wata gaadiidka gaashaaman, kuwaaso safar dhaadheer galiyay gawaarida iyagoo baaraya baabuurta iyo cidda saaran. Sidoo kale waa la fiiqayay baca Madow ee dadku xirtaan gawaarida.

Howlgalkan ma saamayn baabuurta qaybtood gaar ahaan kuwa dowladda, waxaana goob jooge la hadlay GO uu sheegay in la bacda loo daynayay shakhsiyaadka la aqoonsado iyo gawaarida dowladda.

Beersoolka (Bacda Madow) ayaa mamnuuc ka ah deegaanada Puntland inkastoo hadana si caadi ah loogu iibiyo suuqyada.

Madaxda dowladda iyo shakhsiyaadka ka dhuunta kooxaha Argagixisada, ayaa isticmaala bacdan inkastoo mudooyinkii dambe dadku si siman ugu xiranayeen baabuurtooda, taasoo keentay in howlgal xoog leh laga sameeyo magaalooyin ay ku jirto caasimadda Garoowe.

Inkastoo golaha xukuumadda Mamnuucday bacdan hadana ma jirto tallaabooyin ka hortagayo in bacdan lasoo galiyo gudaha Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM