PL iyo Dowladda Federalka oo isku khilaafey qodobbada wadahadalka

Image

GAROWE 30 April,2015 (GO)- Wararka Garowe Online ka heleyo kulammada magaalada Garowe uga socda guddiyada wadahadallada u qaabilsan Dowlada Puntland iyo Dowlada Federaalka ayaa sheegaya in la isku afgaran waayey qodobada  lagu gorfeynayo kulan hordhac ah oo dhexmari laha labada dhinac. 

Kulan ay wada yeesheen maalintii shaley galinkii hore 29 April, 2015 guddiga dowlada Puntland u qaabislan wadahadalada iyo wafdiga Dowladda Federaalka ee la socda Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa lagu kala kacey. Waftiga madaxweynaha Somalia la socda oo ka kooban sadex wasiir, hal xildhibaan, agaasimaha madaxtooyada, la taliyaha xaga sharciga ee madaxweynaha iyo afhayeenka madaxweynaha " Da'uud Aweys" ayaa sheegey inaysan fasax u haysan in ay ka hadlaan qodobbo ay Puntland soo jeedisey.

Guddiga Dowlada Puntland u qaabislan wadahadallada lala gelayo Dowlada Federaalka ayaa wararku sheegayaan iney hordhigeen wafdiga Dowlada Federaalka lix qodob oo la rabo iney si gaar ah uga wadahadlaan labada dhinac inta uusan furmin shirweynaha dowladaha ka tirsan federaalka iyo dowlada dhexe.  

Qodobada lixda ee guddiga dowlada Puntland u qaabislan wadahadalkaan ay soo bandhigeen waxaa kamid ahaa; mowqifka dowlada Federaalka ee ku aadan gobolka Mudug madaama kulanka maamul u sameynta gobolada dhexe uu ka socdo magaalada Cadaado, hirgalinta heshiisyadii Puntland iyo Dowlada Federaalka wada galeen, qaybsiga khayraadka dabiiciga ah iyo dhismaha ciidamo qaran oo ka dhexeeya dalka Somalia.

Guddiga Dowlada Federaalka ayaa sheegay iney ka hadli karaan oo kaliya qodobka ciidamada. Guddigan ayaa sidoo kale ku doodey in qodobada Puntland la timid yihiin kuwo khuseeya Ra'isal Wasaaraha Somalia iyo xukumadiisa, madaama aysan habooneyn in Madaxweyne Xasan Sheekh soo farageliyo heshiisyadii ay horay u wada gaareen Ra'isal Wasare Sharmaarke iyo madaxda Puntland.

Dhinaca kale wararka aan ka heleyno ilo lagu kalsoon yahay ayaa xusaya in guddiga Dowlada Puntland u matalaya wadaxaajoodka, kuwasoo isugu jira wasiirro iyo xildhibaano ay is-hortaageen qorshe lagu damacsanaa in qoraal "Communiqué" habeenkii xaley 29 April,2015  laga soo saaro booqashada hordhac aheyd ee Madaxweyne Xasan Shiikh ku yimid magaalada Garowe.

Diyaarinta qoraalkan ayaa wararku tilmaaamayaan in dabada ka riixayaan xubno ka tirsan wafdiga Dowlada Federalka ee la socda Madaxweynaha, balse waxaa hakiyey sida warar lagu kalsoon yahay sheegayaan guddiga metelaya Puntland oo kaashanaya Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas.

Guddiga Puntland u qaabilsan wadahadalka ayaa ku doodaya in wadahadalka kadib heshiiska la gaarayaa noqdo mid ay saxiixaan Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Shiikh iyo Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas ama cidda ay iyagu sii wakiishaan, si xal loogu helo shekiga jira.

Lama oga halka ay cuskan doonto arrintani, waxaana xusid mudan in guddiga Puntland u qaabilsan wadahadalka ku hanjabeen haddii dalabaadkooda dhegaha laga fureysto inay maanta qaadaci doonaan ka qayb galka shirka afar-geesoodka ah ee lagu wado inuu magaalada Garowe ka furmo.

Khilaafka guddiyadaan ayaa ku soo beegmaya kadib markii dhinaca kale maalintii shaley 29 April,2015 Madaxweynaha Dowlada Federaalka kulan uu la qaatey qaar ka tirsan isimmada Puntland looga wada hadlay qodobka ah shirka ka socda gobolada dhexe iyo saameynta uu ku yelan karo woqooyiga Mudug . HALKA KA AKRI

Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh ayaa sida la rumeysan diyaar u aheyn inta uu ku sugan yahay Puntland inuu caddeeyo mowqifkiisa ku aadan gobolka Mudug madaama culeys weyn ka haysto beelaha daga gobollada dhexe kuwasoo shirweyne uga socdo degmada Cadaado.

Odayaasha beelaha kulanku uga socdo magaalada Cadaado ayaa shalay kala direy guddiga farsamada shirkaas madaama ay ka horyimaadeen in maamulka gobollada dhexe uu ka koobnaanayo laba gobol oo dhamaystiran oo kala ah Mudug iyo Galguduud.

Tallaabadaan ayaa ah mid culeys siyaasadeed loogu saarayo Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh inuusan badalin mowqifkiisa ku aadan gobollada uu ka koobnaan doono Maamulka Gobollada Dhexe, gaar ahaan gobolka Mudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM