Puntland iyo Sacuudiga oo iska kaashanaya Amniga iyo Maalgashiga

Image
Image

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan Dalka Kenya ayaa magaalada Nairobi kula kulmay Safiirka Boqortooyada Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya Ambassador Dr. Mohammed Khayat iyo ku-xigeenkiisa.

Kulanka oo muhiimad balaadhan u lahaa Puntland ayaa waxaa looga hadlay xidhiidhka ganacsi, siyaasi ee Puntland iyo dalka Sacuudiga, iyo sidii dalka Sacuudigu ay Puntland gacan uga siin-lahaayeen la dagaalanka argagixisada, Amniga, Iskaashiga ganacsiga, dhaqaalaha iyo maalgashiga waxaana uu ku soo dhaammaaday guul iyo is afgarad.

Ambassador Dr. Mohammed Khayat ayaa xusay in kulanka uu la qaatay Madaxweynaha Dowladda Puntland muhiimad gaara uu u leeyahay, isla markaana waxaa uu bogaadiyey horumarka baaaladhan ee Puntland ku tilaabsatay waxaana uu xusay in Boqortooyada Sacuudi Arabia ay sida ugu dhakhsiyaha badan ay Puntland uga samaynayso maalgashi balaadhan.

Ugu dambeyn, Deni ayaa sheegay in muhiimad balaadhan uu u leeyahay kulan kan Dowladda Puntland, khaasatan dhinacyada ka shaqaynta amniga, Iskaashiga ganacsiga, dhaqaalaha iyo maalgashiga, isagoona Madaxweynuhu safiirka uga mahadceliyey qaabilaadda heerkeedu sarayso ee uu kala kulmay Safaaradda dalka Sacuudiga iyo is af-garadka buuxa ee laga gaadhay dhammaan arrimaha muhiim ka ah ee kor ku xusan.

- DHAMMAAD -

Related Articles

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM

Deni: Dalal Shisheeye ayaa doonaya inay Burcad-badeednimada u Adeegsanaya Boobka Khayraadka Puntland

Deni ayaa sidoo kale xusay hawlgalladii hore ee ciidamada badda ee dalalka shisheeye ay ka fuliyeen xeebaha Soomaaliya.

  • Puntland

    31-08-2026

  • 06:09AM