Puntland: Khasaare ka dhashay dab ka kacay Garoowe

Image
Image

GAROOWE, Puntland- Waxaa galabta goor gaaban ka kacay magaalada Garoowe, dab xoog leh oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Hal qof ayaa geeriyooday, waxaana dhaawacmay sideed kale, sida ay GO u xaqiijiyeen laamaha caafimaadka iyo dad goob joogayaal ah.

Agaasimaha Guud ee Cisbitaalka Garowe, Cabdisamad Axmed Jaamac, ayaa sheegay in saddex kamid ah dhaawacyadu ay aad u liitaan.

Qofka dhintay ayaa la aaminsanyahay inuu yahay shakhsigii lahaa Kaalinta dabku ka kacay.

Masiibadan ayaa dhalatay xilli booyad nooca Baasiinka qaada ah ay shidaal ku shubaysay Kaalin ku taalla dhanka Bari ee magaalada gaar ahaan wadada wadnaha ah.

Lama oga waxa sababay arrintaas, balse wararka ayaa sheegaya in dabkan uu markii hore ka dhashay hal xarun islamarkaana uu ku fiday goobo kale oo ganacsi.

Caasimadda Puntland oo uu ka muuqdo dayac iyo taxadar la'aan xoog leh ayaa lahayn wax Dabdamis ah.

Taasi waxay kaliftay badashada khasaaraha iyo in dabku gaaro xarumo kale oo ganacsi.

Shacabka Garoowe oo kaashanaya shirkadda Biyaha Al Naciim ayaa ku guulaystay inay bakhtiiyaan dabkaas.

"Ilaa sagaal booyadood oo Biyo sifaysan ah ayaa gaynay goobta, waxaana hakad galonay shaqadii aan u haynay shacabkeena," sidaas waxaa yiri mid kamid ah howlwadeenada Al Naciim oo la hadlayay GO isagoo intaas ku daray, "Hada waxaan joogaa Farmasi oo waxaan dhakhtar geeyay mid kamid ah shaqaalaheena oo ku neef qabatoobay dabka."

Ilaa hadda ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dowladda hoose ee Garoowe oo aad loogu dhaliilayo inay dayacday shaqadii ay u haysay bulshada gaar ahaan dhinaca taxadar iyo keenista Dabdamisyo.

Arrintan ayaa timid xilli Garoowe ay aad ugu soo badanayso kaalimaha Shidaalka oo laga ag-furayo goobaha ganacsiga iyo xaafadaha magalada gudaheeda.

Ma jirto sharci u yaal Dowlada  hoose ee Garowe kasoo ogolaanaya ama diidaya halka laga furi karo kaalimadaan.

Magaalo madaxda Garowe iyo guud ahaan Puntland ayaa shacabku waxaa aysan toos u soo dooran goloyaasha degaanka taasoo ay ku yimaadaan xulashada qabaa’ilka.

Qabiilka ayaa iska soo xusha dad aqoontoodu gaarsiisneyn heer dugsi saredurugsan kuwasoo gabi ahaan aan aqoon u leheyn sida loo maamulo Dowladaha hoose 

Maaha markii ugu horaysay dab qabsado magaalada Garoowe, waxaan sannadkii hore mid qabsaday xarun barakacayaal ah uu sababay khaare hantiyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM