Puntland: Kooxda Al-Shabaab iyo Daacish oo dagaallamay

Image

24 December, 2015(GO)- Wararka ka imaanaya gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in maanta dagaal kharaar dhexmaray Mallayshiyaad ka tirsan ururrada Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo mabdi ahaan aad u kala duwan.

Mallayshiyaad ka tirsan garabka Al-Shabaab ee ku sugan buuraha Gal-gala ayaa soo dabagalay kooxda uu hogaamiyo Cabdulqaadir Muumin ee dhawaan shaacisay inay ku biireen kooxda Daacish kuwasoo ku dhuumaaleysanayey wayadii dambe buuraleyda Calmadow.

Dagaalkaan ayaa ka dhacey deegaan lagu magacaabo Timirshe oo katirsan degmada Isku-Shuban halkaasoo la sheegayo in dhaawac iyo dhimasho labada dhinac ah jiraan

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka saaka dhexmaray kooxahan ku sugan gobolka Bari, balse wararka uu helayo Warsidaha Garowe Online ayaa sheegaya in muddooyinkii dambe baxsad ku jireen ururka uu hogaamiyo Cabdulqaadir Muumin iyagoo ka cabsi qabay dagaal uga yimaada kooxda Al-Shabaab.

Dhinaca kooxda Al-shabaab ee duulaanka kasoo qaadey buuraleyda Galgala ayaa waxaa hogaaminaya nin la yiraahdo Mahad Macalin oo isaguna ka soo jeeda degaanka gobolka Barri.

Dadka deegaanka ayaa horay walaac uga muujiyay dagaalka maanta dhacay, waxayna hoogaamiyaha kooxda fikir ahaan raacdey ururka Daacish odoyaal u tagay ka codsadeen in ciidamadiisa kala baxo dhulka barri ee uu ku dhuumaaleysanyo, balse wuxuu ogaysiiyay inaysan suurto gal ahayn sababo amni iyo cabsi uu ka qabo kooxda Al-Shabaab oo ku raad joogtay tan iyo markii uu iclaamiyay fikirkaas.

Garowe Online ayaa ogaatay in Muumin saanad millatary ka sugayo dalka Yemen gaar ahaan kooxda isku fikirka yihiin Daacish. 

Xiriiro kala duwan oo Warsidaha Garowe Online la sameeyay maamulka gobolka Bari, ayaa u cadeeyay inaysan jirin ilaa hadda tallaabo cad oo dowladda Puntland ka qaaday dagaalka degaanka ku dhow Timirshe.

Xukuumada madaxweyne Gaas ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey ka warhaysay kooxaha tageerey ururka Daacish iney u gudbeen buuraleyda barri ee Puntland balse aan wax talaabo ah ka qaadin.

Waxaa mudooyinkii dambe soo xoogaysanayay xoogagga xagjriinta ah ee ku sugan Puntland gaar ahaan buuralayda Galgala, dhawaan ayayna ahayd markii garab katirsan Shabaab iclaamiyeen inay kamidyihiin Daacish.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM