​Puntland: Madaxweyne Gaas oo Ethopia aaday

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE- Madaxweynaha Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u dhoofay magalada Addis-ababa ee dalka Ethopia, isagoo sheegay inuu u tagayo arrimo la xiriira amniga, dhaqaalaha iyo xiriirka labada dhinac ka dhaxeeya.

Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa sagootin loogu sii sameeyay madaarka Canoco, waxaana safarkiisa ku wehelinayay xubno katirsan labada gole ee dowladda.

Mar uu lahadlay warbaahinta ayuu sheegay in safarkaasi salka ku hayo casuumad uu ka helay madaxda dalkaasi, isagoo sheegay inay kulamada ay qaadan doonaan diiradda lagu saarayo, la dagaallanka xagjirnimada, hormarinta dhaqaalaha.

“Maanta waxaan safar shaqo oo kooban  ugu amba baxayaa waddanka Itoobiya, waxaana u aaday casumaad rasmi ah oo aan ka helay waddanka Itoobiya, waad ogtihiin oo Puntland iyo Itoobiya waxa ka dhexeeya iskaashi dhinacyada ganacsiga, Nabadgeliyada iyo la dagaallanka Xagjirnimad,”Ayuu yiri Madaxweynaha dowladda Puntland. 

Maaha safarkii ugu horraysay ee madaxweyne Gaas ku aado dalka Ethopia, wuxuuna kusoo beegmay xilli shalay 15 Febrayo, uu soo magacaabay guddiga doorashooyinka KMG ah ee Puntland. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM

Puntland Oo Ciidamo Cusub U Daabushay Buuraha Cal-Miskaad

Hawlgalkan, oo markii hore loo qorsheeyay in lagu soo afjaro bisha December ee 2025, ayaa galay marxaladdiisii ugu dambeysay.

  • Puntland

    08-12-2025

  • 11:10AM