Puntland: Madaxweyne Gaas oo Gaaray Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa galinkii dambe ee maanta 02 December 2017 gaaray caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, isagoo ka qayb gali doona shir looga hadlayo amniga iyo xaaladda dalka.

Weftiga Puntland ka tagay, waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhoweeyey Masuuliyiin ka tirsan golayaasha dawladda Fadaraalka Soomaaliya, aqoon-yahano, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.

Cabdiweli Maxamed ali Gaas ayaa kahor inta uusan ka dhoofin garoonka diyaarahada Garoowe ee kanooko, waxaa uu lahadlay warbaahinta isagoo kawaramay safarkiisa Muqdisho.

”Waxaan kusocdaa Muqdisho oo aan kaga qaybgalayo shir ay isugu imanayaan beesha caalamka iyo madaxda soomaalida, iyo sidoo kale shirkii amniga qaranka oo arimaha ugu muhiimsan oo looga hadlayo ay noqon doonto nabdgelyada dalka, xasilinta iyo geedi socodka dawladnimadda soomaaliya, shirkaas oo labada maalmood ah, kabacdinawaxaa dhici doona shirkii beesha caalamka iyo madaxda soomaalida oo dhammaandoona bisha 5teeda ah, kabacdina inshaa allaahu waxaan rajaynayaa in aan si nabad gelya ah usoo laabano, waxaan idinkula dardaarmayaa in laga shaqeeyo lana taageero nabadgelyada iyo horumar, guul baan diin rajaynayaa,” sidaas waxaa yiri Madaxweyne Gaas.

Ujeedka safarka Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa ahaa ka qayb galka shirka amniga heer qaran oo malinimada berri ah [03 December 2017] ka furmi doona magaalada Muqdisho, kaasoo socon doona shirkaasi muddo labo maalmood ah.

Shirka Amniga qaranka ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimaha Amniga, nabdgelyada dalka, xasilinta dalka iyo wanaajinta geedi socodka dawladnimadda Soomaaliya, waxaana kasoo qayb geli doona dhammaan Madaxda DFS iyo dawladdaha xubnaha ka ah xukuumadda dhexe.

Sidoo kale Madaxweyne Gaas ayaa ka qayb geli doona shir ay muqdisho ku yeelan doonaan Madaxda Soomaalida iyo beesha caalamka kaasoo lasoo gaba-gabayn doono 05 December 2017. Lama oga waxyaabaha rasmiga ah ee shirkaas diiradda lagu saari doono.

Socdaalka Madaxweyne Gaas ee Muqdisho ayaa kusoo beegmay xilli uu shalay kasoo laabtay socdaal muddo qaatay oo ku tagay waddanka Ethiopia, waxaana safarkiisan uu yimid xilli aan wali xal laga gaarin muranka dekedda Boosaaso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM