Puntland: Mooshin ka dhan ah shirkada DP World oo fashilmay [DAAWO]

Image

GAROOWE, Puntland - Gollaha Wakiiladda ee dowladda Puntland ayaa cod u qaaday mooshin ay soo gudbiyeen 8 mudane, kaasoo ka dhan ahaa Shirkadda DP World ee uu fadhigeedu yahay dalka Imaaraadka Carabta, taasoo maal-geshnaysa dekadda Boosaaso.

Xoghayaha Gollaha Wakiiladda, Cali Axmed Saalax oo kulanka Gollaha ka akhriyay nuqul kamid ah Mooshinka ay soo gudbiyeen Xilldhibaanada waxa uu sheegay inay doodu salka ku hayso in wax shaqo ah aysan ka qaban shirkadda tan iyo markii ay heshiiska la gashay maamulka Cabdiwali Gaas.

Akhrinta Mooshinka kadib, mudanayaasha fadhiga xaadirka ku ahaa ayaa cod gacan taag ah u qaaday, waxaana u codeysay 10 kamid ah in Mooshinka uu noqdo mid dhaqan-gala, halka ay kasoo horjeesatay 23 mudane, waxaana ka aamustay Todoba kale, oo kulanka joogtey.

Gudoomiyaha Gollaha Wakiiladda ee dowladda Puntland, Axmed Cabdi Xaashi ayaa sheegay in Mooshinka uu kaliya noqonayo mid horey-usii socda oo ay ka doodaan xubnaha sharci dejinta marka uu helo 22 mudane ay ku raaceen xubnaha marka soo diyaariyay moowshinka.

Balse taasi ma dhicin, kaliya Labo mudane oo kulanka maanta uu yeeshay xubnaha Gollaha Wakiiladda Puntland ayaa ku raacday Sideed Xilldhibaan ee marka hore soo diyaarisay Mooshinka, waxaana Gudoonka Gollaha uu ku dhawaaqay inuu buray Mooshinka.

Kulankaan uu maanta oo Isniin ah uu yeeshay Gollaha Wakiiladda Punland, ayaa qayb ka ah Kalfdhiga 41aa, ee fadhigiisa 27aad, waxaana soo xaadirtey 40 mudane, halka ay xanuun iyo maqnaansho ku seegeen min saddex xubnood, sida laga soo xigtay xoghaynta Gollaha.

Madaxweyne Gaas ayaa heshiiska Shirkadda DP World ku maamulayso 30 sano Dekedda Boosaso ku saxiixay magaalada Dubai bishii April 2017, kaasii ku kacaya lacag gaaraysa $336 Miliion oo Dollar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM