Puntland: Murashax Deni oo dhaliilay heshiisyada Ganacsiga dalka [Daawo]

Image

Murashaxa xilka Madaxweynaha Puntland 2019 Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sharaxaad ka bixiyay waxyaabaha u baahan in wax laga qabto xilli uu waraysi siinayay 21 bishan Telefishinka fadhigiisu yahay London ee Somali Cable.

Deni ayaa sheegay inuu yahay mas'uul khibrad dheer u leh arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha, waxbarashada iyo baahiyaha kale ee dadweynaha islamarkaana muddo dheer ka soo shaqeeyay Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Wuxuu waraysigiisa ku tilmaamay in hadii la doorto sannadka soo aadan uu waxbadan ka qaban doono hormarinta adeegyada Bulshada taasoo uu xusay inay ka gaabisay xukuumadda hadda talada haysa.

Murashaxan ayaa sidoo kale carrabka ku dhuftay in ammaanka Puntland dhaliil xooggan ka jirto gaar ahaan hab shaqeedka hay'adaha u xilsaaran nabad-galyada, wuxuuna sheegay in muhiimadda 1aad uu siin doono sidii wax looga badi lahaa ammaanka guud ee Puntland kaasoo uu xusay inay ka jirto xasilooni shacab balse daldaloolo badan iminka muuqdaan.

Mar uu ka hadlayay hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha wuxuu tilmaamay inuu hormarin ku samayn doono islamarkaana uu kobcin doono inkastoo uu walaac ka muujiyay hannaanka dowladu gaar ahaan heshiisyada maalgashi ee xukuumaddu samayso.

Siciid Deni ayaa dhaliilay hannaankaas oo uu xusay inaysan ka muuqan hay'adaha u xilsaaran ee Dastuurku shaqo ahaan siiyay, wuxuuna tusaale u soo qaaday kuwo ay samaysay xukuumadda iminka jirta kaasoo aysan ka muuqan wasaaradda Ganacsiga sida uu murashaxu hadalka u dhigay.

Dhanka kale Siciid Cabdullaahi Deni ayaa wax laga weydiiyay kalsoonida uu qabo in Puntland 2019 doorasho ka dhacdo xilli la isla dhexmarayay in madaxweyne Gaas qorshaynayo ku darsi sharci darro ah, wuxuuna sheegay in dalku leeyahay shuruuc iyo qanuun aan cidna ka tallaabsan karin.

"Anigu tuhun ma qabo laakiin adduunku dacaayad buu noqday oo waxaa laga yaabaa in arrintaas ay ka shaqaysay qolo dan gaar ah wadata dalkaan shuruuc buu leeyahay qawaaniina wuu leeyahay mana rajaynaayo in ilaahay ku keeno sabab ay shaqayn wayaan," sidaas waxaa yiri murashax Deni.

Hadalka mas'uulkan ayaa kusoo aadaya xilli Puntland ay wajahayso xaalad kala guur ah islamarkaana dhawaan la filayo inay ka bilowdaan loollanka doorashada la filayo inay dhacdo horaanta sannadka 2019.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM