Puntland: Murashax si kulul uga hadlay khilaafka Gaas iyo Camey

Image

GAROOWE, Puntland - Kadib markii uu soo shaac-baxay kala aragti duwanaansho u dhaxaysa hogaanka Puntland ee ku aadan natiijadda shirkii Kismaayo ayaa waxaa si kulul uga hadlay arintaasi Murashax utaagan doorashadda Madaxtooyadda ee Puntland.

Madaxwayne ku xigeenka Puntland, Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar [Camey] ayaa shaaca ka qaaday inuusan ku raac-saneen Madaxwayne Cabdiwali Gaas qodobada uu saxiixay, kuwaasoo uu ugu horeeyo xiriirka loo jaray dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu Camey sababta ku sheegay in aan laga tashan, oo Madaxweyne Gaas si iskiisa ah u saxiixay go'aannada ku qoran War-murtiyeedka ay soo saareey shanta Madaxweyne ee ku kulmay 4-tii illaa 8-dii bishan magaalada Kismaayo.

Eng. Maxamud Axmad Xasan Dhagaweyne, oo kamid ah Murashaxiinta doorashada Puntland 2019, oo wareysi siiyay Radio Garowe ayaa tilmaamay in hadalka Camey uu banaanka soo dhigay khilaafka isaga kala dhaxeeya Cabdiweli Gaas.

Madaxwayne ku xigeenadda ka hadlay qodobadda shirka Kismaayo waxaa kamid ah midka Galmudug, taasoo Murashax Dhagaweyne cod dheer ku qeexay inay caddeyn u tahay faragelinta ay madaxda maamulada ku eedeeyeen dowladda Federaalka.

“Horta arrintaan waxay muujinaysaa labo arrimood; mid waxa weyaan faragelinta lagu eedaynayo dowladda Federaalka iyo in Puntland ay joogto heerkii ugu hooseeyay, sababtoo ah loogama baran in Madaxwayne iyo ku xigeenkiisa ay warbaahinta ka sheegeen kala aragti duwanaantooda,” ayuu yiri.

Shacabka Puntland ayuu tilmaamay inay niyad-jabineyso khilaafka hogaanka sarre ee maamulka, isaga oo carabka ku adkeeyay inay muujinayso inay Puntland ay haatan taagan tahay heerkii ugu hoosayeeyay taariikhda, taasoo aanan dhicin 20-kii sano ee lasoo dhaafay.

“Ma aysan ahayn in lagu degdego. Madaxwaynaha iyo Ku xigeenkiisa ma ahan dowladda. Baarlamaan iyo Golle wasiire ayaa jire, waxay ahayd in la sugo inta uu Madaxwaynaha ka imaanayo oo wax layska waydiiyo hadaanan lagala tashan, laakiin in shacabka Puntland la niyad-jabiyo waxay muujinaysaa inay Puntland mareyso mustawo aysan gaarin 20-kii sano ee lasoo dhaafay,” ayuu Murashaxa ku daray hadalkiisa.

Khilaafka Madaxwaynaha iyo Ku xigeenkiisa Puntland ayaa soo jiitamayey sanadihii udambeeyay, waxayna ku kala aragti duwanaayeen dhinacyo fara badan oo ay kamid tahay qaabka loo xorreynayo gobolka Sool oo ay ciidamadda Somailand xoog ku haystaan qayb kamid ah.

Eng Maxamud Axmad Xasan Dhagaweyne oo kamid ahaa guddigii khilaafaadka doorashada Puntland 2014 ahna musharax u taagan xilka Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay arimaha siyaasada dibada gudaha ee Dowladda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

  • Puntland

    16-04-2024

  • 05:26AM

Puntland oo kalitalisnimo ku eedeysay madaxda federaalka

Madaxweyne Ku-Xigeenka dowladda Puntland ayaa si kulul uga hadlay hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya,

  • Puntland

    15-04-2024

  • 11:33AM