​Puntland: Natiijada Imtixaanka dugsiyada dhexe oo la shaaciyay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland ayaa maanta ku dhawaaqday natiijada imtixaanka dugsiyada dhexe kuwaasoo la qaaday bishii May 21-keedii.

Wasiirka wasaaraddaasi oo goordhaweyd warbaahinta kula hadlay magaalada Garowe ayaa faah faahin ka bixiyay natiijooyinka laga helay imtixaanka iyo sida u kala badnaayeen Ardayda u fariisatay ee kasocotay gobollada kala duwan ee Puntland.

Wasaaradda ayaa go'aamo kasoo baxay ku mamnuucday natiijooyinka Dugsiyo iyo Arday galay imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiyada dhexe Puntland kuwaasoo loo cuskaday khaladaad dhinacooda ka yimi.

Hadaba hoose ka Akhriso Qoraalka arrintaasi uga hadlay wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta Sare Puntland Abshir aw-Yusuf Ciise.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare

Baahinta natiijada imtixaanka fasalka 8aad ee 2016

               Sixiddii imtixaanka

Sixidda imtixaanka fasalka 8aad waxaa la bilaabat 23/07/016, waxaa ka qayb qaatay 120 macallin waxayna dhammaatay 06/08/2016.   

A. Ardayda imtixaanka u fariisatay

  1. Wilal                                         4785
  2. Gabdho                                    3036
  3. Wadar                                       7821

Is bedelka ardayda ee saddexdii sano ee u dambaysay

·        
Sannadka  2014

1.       Lab                         4332

2.       Dhedig                 2529

3.       Wadar                  6861

·         Sannadka 2015

1.       Dhedig                 4522

2.       Lab                         2733

3.       Wadar                  7255

·        Sannadka 2016

1.     Lab                 4785

2.     Dhedig          3036

3.       WAdar          7821

B. natiijadii ardayda

Gobol                Wadar           Gudbid           Dhicid           Maqane

Bari                    2232               2093               115                  24 

Cayn                    131                  128                  1                       2

Gardafu                73                     72                  0                       1 

Haylaan               313                   307                0                        6 

Karkaar                693                  628                55                     10 

Mudug                2075                 1952              98                     25 

Nugaal                 1833                1693             126                   14 

Sanaag                 319                 306                   8                       5 

Sool                      152                  110                   0                       42 

Wadar                   7821                7289             403                      129

Dhacdooyinkii sannadkaan

Sida lala wada socdo sannadkaan waxaa dhacay fal dambiyeed wayn oo lagula kacay imtixaankii fasalka 8aad kaas oo ay gaysteen arday ka tirsan dugsiga hoose/dhexe ee tuulada Qarxis. Falkaas oo keenay fashal wayn oo ku yimid hannaankii iyo habsami u socodkii guud ahaan imtixaanaadka gaar ahaan imtixaanka fasalka 8aad.

Falkaas wuxuu sababay

In la bedelo dhammaan imtixaankii fasalka 8aad ee sannad dugsiyeedka 2016. Waxuu keenay burbur dhaqaale iyo kharashaad lama filaan ah ay ilaa hadda Wasaaraddu la dalaa dhacayso. Waxaa dhaawac soo gaaray magacii iyo sharaftii Wasaaradda oo lagu bartay hufnaan. Waxaa guud ahaan ardayda ku yimid jahwareer kasoo ifbaxay natiijadii ardayda.

Go’aamo

Haddaba, Wasaaradda waxbarashadu iyadoo ka ambaqaadaya, hagaajinta iyo hufnaanta xirfadda Imtixaanka, iyagoo ilaalinaya mustaqbalka iyo sumcadda imtixaanaadka, iyagoo dhiirigelinaya in ardayda Puntland helaan fursad isku mid ah si ay u helaan tartan isku mid ah ayaa waxay gaadhay go’aamadan soo socda;

A.    Wasaaraddu waxay baabi’say natiijadii Imtixaanka dugsiga hoose/dhexe ee Qarxis ee degmada Eyl.

B.    Wasaaraddu waxay aqoonsigii xarunnimada imtixaan kala noqotay tuulada Qarxis waxaana ardaydooda loo rarayaa xarumaha imtixaan ee ugu dhaw.

C.    Sidoo kale waxay wasaaraddu baabi’say natiijadii imtixaanka 6 arday oo dhigta dugsiga hoose dhexe Tayo ee degmada Badhan, kuwaas oo ay ku caddaatay in ay ka boodeen 2 sano dugsiyeed.

D.    Wasaaraddu waxay ku boorrinaysaa dhammaan bulsho waynta Soomaaliyeed in ay ka qayb qaataan sugidda ammaanka imtixaanaadka ayna ogaadaan in haddii uusan imtixaan jirin aan waxbarasho jirin.

Gebagebadii, waxaan u hambalyaynaya ardayda imtixaankaan ku guulaysatay ee fariisanaysa fasalka 1aad ee dugsiga sare, waxaana u rajaynayaa guul iyo badhaadhe. Ardayda aan ku guulaysan imtixaanka waxaan ku leeyahay ha niyad jabina, noloshuna manta kaliya ma ahan, halkaasna kuma dhammaan. Waxaa idiin haray maalmo badan insha Allaah, wax kastana waxay ku xiran yihiin dadaal ee dadaala.

Shaacinta Imtixaanka ayaan kadib dhacay waqtigii la sheegi jiray, waxaana lagusoo beegay xilli ay dib u furmeen goobaha waxbarashada.

Sababta uu u daacay ayaa wararku sheegayaan inay la xiriirto khaladaad dhacay iyo arrimo farsamo oo ku aadan sixitaanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM