​Puntland: Nidaamka axsaabta badan oo laga shiray

Image

GAROWE- Kulamo kala duwan ayaa maanta ka dhacay magalada Garowe Caasumadda Puntland kuwaasi oo looga hadlayay nidaamka dimuqraadiyaynta Puntland iyo qaabka loogu gudbi karo.

Shirar gooni gooni ah ayaa dhexmaray wafdi ka socday Midowga Yurub gaar ahaan qaybta siyaasadda iyo dimuqraadiyadda, waxayna is arkeen xubno ka socda dowladda Puntland, golaha Wakiillada iyo bulshada rayidka ah, waxaana inta kulamadaasi socdeen la is-weydaarsaday xog khuseysa nidaamkan iyo qaabka ugu sahlan ee loo hirgalin karo.

Barnaamijkan waxaa fududeynaysay hay'adda cilmi baarista Puntland ee PDRC iyagoona qayb ka ahaa dhinacyada EU-du xogta ka uruurinaysay.

Cabdinaasir Maxamed Yusuf (Burale), oo ah cilmi baare katirsan PDRC ayaa Radio Garowe uga waramay kulamada maanta dhacay, wuxuuna sheegay inay la shireen saddex xubnood oo kasocda Midowga Yurub qaybta qaabilsan siyaasadda iyo dimuqraadiyadda, isagoo xusay inay ka wada hadleen barnaamijkan iyo xogta hay'addu ka hayso maadama caawimaad ka gaysatay guddigii doorashooyinka ee xukuumaddii Farole.

Burale, ayaa tilmaamay inay sidoo kale isla soo qaadeen nidaamka doorashada Somalia iyo habka la shaaciyay in lagu salayn doono oo ah 4.5, waxayna PDRC sheegtay in arrintaasi dadweynaha Puntland aragti laga qaaday, maxsuulkuna noqday deegaan sidaasi darteed lagu cadaadin habka wax ku qaybsiga beelaha.

Wuxuu sheegay inay dhinacyada kale kula kulmeen hoolka xarunta hay'adda, balse aysan ka hayn xog faah faahsan, wuxuuse xusay inay filayaan shirarkaasi in diiradda lagu saaray arrimaha dimuqraadiyaynta.

Cilmi baaraha, ayaa wax laga weydiiyay in PDRC samaysay cilmi baaris ku qotonta caqabadaha hakiyay qorshihii ay samaysay dowladdii hore (Farole) ee dimuqraadiyaynta, isagoo tilmaamay in caqabadda ugu weyn ahayd dhanka waqtiga, balse ay noqotay cashar muhiim ah oo laga faa'iiday shuruuco badan, wuxuuna meesha ka saaray fikradaha dadka qaybtii aaminsanyihiin oo ah in nidaamkaas fashilmay.

Faa'iidada laga heli karo dimuqraadiyadda ayuu Cabdinaasir sheegay inay tahay in qof walba heli doono fursad uu ku raadan karo ama ugu codayn karo shakhsiga uu doonayo, isagoo xusay in ruux walba heli doono madal iyo meel uu ku gudbiyo cabashadiisa.

Wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay qaabka barnaamijkan ku hirgali karo, isagoo sheegay in dowladda Madaxweyne Gaas haysato fursad ilaa saddex sano ah, wuxuuna intaasi raaciyay in beesha caalamka soo jiiteen magacaabista guddigan doorashooyinka oo muddo la sugayay.

Midowga Yurub oo door muhiim ah ku leh siyaasadda Somalia, ayaa hadda wata qorshe ay  ku ogaanayaan nidaamkan iyo qaabka dadku u arkaan, waxaana la filayaa in kulamadan ka dib soo saaraan waxyaabaha uga soo baxay shirark a Garowe ku qaateen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

  • Puntland

    16-04-2024

  • 05:26AM

Puntland oo kalitalisnimo ku eedeysay madaxda federaalka

Madaxweyne Ku-Xigeenka dowladda Puntland ayaa si kulul uga hadlay hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya,

  • Puntland

    15-04-2024

  • 11:33AM