Puntland oo baahineysa warbixinta baaritaanka dilka maamulihii P&O

Image

GAROWE, Puntland - Dowladda Puntland oo war-saxaafadeed soo saartay ayaa ku dhawaaqday in ay la shaqeyneyso cid kasta oo baaritaan ku sameyneysa warbixintii wargeyska New York Times.

Maqaalkaasi ayaa lagu sheegay in qarax iyo dil ka dhacay Boosaaso bishii May ee sanadkan ay ku lug lahayd dowladda Qadar, loona dan-lahaa in lagu racdeeyo Imaaraadka.

Jaraa'idka oo soo xigtay ganacsade ku dhow Amiirka Qadar lana hadlay safiirka Dooxa ee Muqdisho ayaa sheegaya in codka labada dhinac uu u hayo caddeyn ahaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qadar ayaa beeniyay in Dooxa ay wax door ah ku lahayd dhacdooyinkaasi oo ay sheegatay kooxda la magac baxday Dowladda Islaamka.

Qaraxa oo ka dhacay banaanka Maxkamada Gobolka Bari ayaa dhaawacay Sideed ruux. Sidoo kale, dilka waxaa loo geystay maareeyihii shirkada P&O Ports ee marsadda Boosaaso, Paul Anthony Farmosa.

"Weeraradaasi waxay wiiqayaan xasiloonida, horumarinta iyo bixinta adeegyadda bulshadda," ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Madaxtooyadda dowladda Garowe.

Talaadadii, madaxweyne Deni ayaa ka dalbaday baarlamaanka federaalka ah in ay baaran warbixintan, taasi oo ay ka jawaabeen Xildhibaano shaaciyey in ay qaadayan talaabadaasi.

Hasa ahaatee, xukuumadda federaalka ah ayaa waxay meesha ka saartay in ay dooneyso in baaritaan la sameeyo, waxayse caddeysay in baarlamaanka u madax banaan yahay shaqadaasi.

"Dowladda Puntland waxay si buuxda ula shaqeyneysa geedi u socod kasta oo baaritaan lagu sameynayo, waxayna dhowaan baahineysaa fahfaahinta baaritaanka gaarka ah ee dilka maamulihii P&O," ayaa lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyntii, dowladda Puntland ayaa carabka ku adkeystay in ay u taagan xoojinta Soomaaliya oo wadajir ah, dimoqraadi ah isla markaana federaal ah nabadna kula nool deriskeeda iyo caalamka.

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM