Puntland oo bilowday maxkamadeynta rag ku eedeysan kufsi iyo dil

Image

GAROWE, Puntland – Maxkamada Darajada Koowaad ee gobolka Nugaal ayaa maanta oo Sabti ah waxay fadhigii ugu horeeyay ka yeelatay gal-dacwadeed kale oo isugu jira kufsi iyo dil.

Hodan Axmed Maxamed Shanlayste, oo haweenay xaas ahayd, ayaa la sheegay in la faraxumeeyay 11-kii April, sanadkii hore 2019-kii.

Sidda lagu waramay, kiiskaan waxaa eedeysane ka ah todoba ruux, oo dhamaantooda maanta kasoo muuqdey maxkamadda.

Xafiiska xeer-ilaalinta ayaa wuxuu codsaday in todoba cisho dib loo dhigo si ay u soo diyaariyaan caddeymaha oo dhameystiran.

Sababaha kale oo ay cuskanayaan ayaa ah Aabaha marxuumadda oo maqane ah, kaasoo sii socoshadda kiiska "bud-dhig u ah".

Garsooreyaasha oo ogolaadey dalabka dib-u-dhista ayaa u muddeeyay dhageysiga labaad ee gal-maqalka 22-ka bishaan Febraayo, sanadkan 2020 oo ku beegan Sabtida soo aadan.

Cali Cabdi Faarax, seyga Hodan oo maalin kadib dilkeeda la hadlay warsidaha Garowe Online ayaa cod dheer ku codsaday cadaalad.

Marxuumadda, oo la dhibaateeyay xili seygeeda uu safar ku maqnaa, ayaa ifka kaga tegtay laba caruur ah -- wiil iyo gabar. Faarax waa beeraley iyo darawal.

Dhinaca kale, maxkamad oo isla maanta xukuntay kiis kale oo kufsi ah ayaa eedeysanaha ku ridday shan sano oo xarig ah, kun Doolar oo ganaax lacageed ah iyo bixinta Mahru-misli.

Xukunsaha ayaa lagu helay in gabadha uu ku xadgudubay ay ahayd bikro, oo macnaheedu yahay in gabadha aan wali la guursan.

Dhanka kale, laba dhalinyaro ah oo qirtay dhaca telefoonada ayaa lagu ridday min laba sano oo xabsi ah. Waalidiinta waxaa lagu waaniyey in ay la socdaan dhaqdhaqaaqa caruutooda.

Garsoorka Puntland oo had iyo goor si adag ula tacaala kiisaska la xiriira kufsiga, dhaca iyo fal-dambiyeedyada kale, ayaa la tilmaamay in habka cadaalada uu yahay mid leysku haleyn karo.

MUUQAALKA MAXKAMADA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM