Puntland oo canshuur dheeraad ah saartey badeecadaha Somaliland

Image

GAROWE, Puntland – Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa maanta oo Axad ah waxay soo saartey qaab cusub loo canshuurayo badeecadaha ka yimaada degaanadda maamulka gooni isu taaga ah ee Somaliland.

War saxaafadeed uu arkay warsidaha Garowe Online oo kasoo baxdey xafiiska wasiir Xasan Shire Cabdi ayaa lagu xusay in badeecadaha daruuriga ah ee ka yimaada maamulkaasi laga qaado cashuur dhan 100%.

Badeecadaha daruuriga ah ayaa, sida ku cad warka qoraalka ah, waxaa kamid ah kuwa soo socda; shidaalka gaadiidka, gaaska diyaaradaha, iyo agabyo kale oo muhiim u ah nolosha dadka.

Intaasi waxaa wehlisa in badeecadaha aan daruuriga ahayn sida biyaha, cabitaanka, qalabka guryaha, midka xafiiska iyo qalabka korontada laga qaadi doono cashuur gaareysa 200%.

Warqada oo ogeysiiska lagu xusay Madaxtooyadda, madaxda wasaarada Maaliyadda iyo Xisaabiyaha guud ee dowladda ayaa ku socotay mas'uuliyiinta gobolada, Sool, Sanaag iyo Karkaar kuwaasoo la faray in ay fuliyaan.

Talaabadan ayaa waxay kusoo aadeysaa iyadda oo mas'uuliyiinta wasaaradda ay todobaadkan shaaciyeen in ay gacan-bir ah ku qaban doonan dadka ay ku qeexeen cashuur diid.

Si lamid ah waxay kusoo aadeysaa iyadda oo Somaliland ay cashuur u dhaaf u sameysay konteeranada dekadda Berbera kuwaasi oo qaarkood ay leeyihiin ganacsatada reer Puntland ah.

Inkasta oo dekada Boosaaso aysan lahayn qeybta konteeranada, shirkada DP World-na aysan wali bilaabin dhismaha ayaa cashuur dhaafta Somaliland waxay buuq ka dhex-dhalisay ganacsatada Puntland.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku darayaa in dekad qalqalan laga hirgelinayo degaanka Tukaraq, halkaasi oo ay sugaal [transit] kusoo noqonayaan konteeranada.

Cashuurta dheeraad ah ee ay Puntland ku soo rogay badeecadaha ka yimaada Somaliland ayaa la sheegaya in ay jawaab u tahay dhamaan arrimahaasi soo kordhay.

Puntland iyo Somaliland oo ay ka dhaxeysay colaad soo jireen ah oo ku saabsan maamulida gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn ayaa hadda u muuqda kuwa uu ka dhex-qarxayo xifaaltan dhinaca ganacsiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM