Puntland oo 'dambiile' u aqoonsaneysa cidda faquuqda dadka la nool Aids

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Garoowe kaga qayb galay xuska maalinta Aids-ka Adduunka oo ku beegan 1-da December.

Ku-simaha Madaxweynaha ayaa waxaa kala qayb galay xuska maalintani Masuuliyiinta iyo hawl-wadeenada Wasaaradda Caafimaadka iyo Hay'adda PAC.

Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, shacabka caasimadda Garoowe, hay'addaha ka shaqeeya wacyi-gelinta Bulshada, waxgarad iyo masuuliyiin kale ayaa kasoo muuqday xafladda.

Karaash ayaa sheegay in Dowladdu soo saari doonto xeerka xanuunkani, waxaana uu Kabtan Bashiir Cismaan Cawad oo kamid ah ciidanka Booliska Puntland, lana nool xanuunkani u dalacsiiyey Gaashaanle.

"Maanta waa maalin weyn, waana ku faraxsanahay inaan kasoo qayb-galo, micnaha in la weyneeyo maalintani waa in cid kasta oo la nool lasiiyo mooral, Isla markaana is daaweeyaan," ayuu ku bilaabay.

"...waxaan u mahadcelinayaa cid kasta oo soo qaban qaabisay, waxaan u mahadcelinayaa taliye Bashiir oo bulshadiisa wacyi-geliyey, qabtayna shaqadii hay'addaha u xilsaaraa arrintan, cudurka Alle ayaa keena si uun buuna ku yimaadaa".

Karaash ayaa intaas raaciyey "waxaa ceeb ah in la faquuqo walaalaheen, waa in la fahansiiyaa in cudurkani yahay wax sahlan oo la daawayn-karo".

Madaxweyne ku xigeenka ayaa yiri "Waxaan maqlijirey berigii hore dadka oo faquuqa qofka qaba Qaaxada, beryo kadib waxaa cadaatay inaanu waxba ahayn, HIV-guna waa sidaas.

Isaga oo digniin u diraya dadka faquuqa dhibaneyaasha ayuu xusay "waxaan idiin sheegaynaa in qofka faquuqsameeya inaan u aqoonsandoono inuu yahay Dambiile go'aanna waan kasoo saaraynaa ka dowlad ahaan.

"Waxaan farayaa Hay'adda PAC inay caawiyaan qofkasta oo aan awoodin daawada inuu qaato, waxaan dhowaan soo saaraynaa xeerka lagu dhiqidoona xanuunkan," ayuu hoosta ka xariiqay.

Mar uu fariin u dirayey hay'addaha caawiya dadka la nool xanuunkan ayuu tibaaxay "waxaan faraya cid kasta oo shaqo ku leh inay ka shaqeeyaan xuquuqda dadka qaba xanuunka".

"Waxaan hortiina ka cadaynayaa in Kabtan Bashiir Cismaan Cawed aan u dalacsiinay GAASHAANLE, wuxuu ku mutaystay kartidiisa iyo bulshadiisa oo uu wacyi-geliyey," ayuu kusoo xiray hadalkiisa.

MUUQAALKA KARAASH

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM