Puntland oo digniin ku aadan dagaalka Tukaraq u dirtey dowlada Soomaaliya [Akhri]

Image

GAROWE- Maamulka Puntland ayaa qoraal kasoo saarey xaalada Tukaraq iyo hadalo maalmihii ugu dambeeyey kasoo yeerayey Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi kuwasoo ku aadanaa mowqifkiisa ku aadan sidii coladaan loo joojin lahaa.

Waraxafadeedkaan ayaa lagu sheegey in Madaxwynaha Somaliland uu yahay dagaal ooge qayb ka qaatey xarbi ahliyo horey uga dhacey maamulkaas.

“ Xaqiiqda hadalka Madaxweynaha maamulka Hargeysa kadib duulaankii uu ku soo qaadey Puntland gaar ahaan gobolka Sool Tuulada Tukaraq waxay beesha caalamka u sheegtey iney dib uga baxaan degaanada ay ku soo duuleen laakiin hogaamiyaha maamulkaas waxaa uu ku doodey inuu tagayo xuduud uu Ingriisku siiyey arintaas oo ah mid lagu qoslo, wuxuuna dhagaha ka fureystey dhamaan soo jeedintii beesha caalamka, isagoo duulaan ku soo qaadey Tuulada Tukaraq.” Sidaas ayaa lagu sheegey qoraal kasoo baxay maamulka Puntland.

Qoraalkan ayaa lagu sheegey in guuldarooyin maamulka Somaliland kala kulmay dagaladii ka dhacey Tukaraq iney sababtey iney weerarkaan ku eedeeyaan in dowlada Federaalka ah ku soo qaadey iyagoo dhinaca kale dalbadey iney la kulmaan Madaxweyne Farmaajo.

“ Kadib markii uu wajigabax kala kulmay ciidamada difaaca Puntland ayuu waxaa uu bilaabey inuu ku celceliyo waxaa nasoo weerarey dowlada Federaalka Soomaaliya, wuxuuna ku sii darey inuu miciinsado Madaxweynaha dowlada Federalaka Soomaaliya la kulankiisa.” ayaa lagu sheegey warsaxafadeedkaan.

Hadalkaan laga soo saarey xafiiska afhayeenka Madaxwynaha Puntland ayaa lagu sheegey in Dhulka Puntland Ingriisna bixin karin dowlada Federaal ahna bixin karin iyadoo uu yahay qodobkaan mid Dastuuri ah ee uusan jabin karin hogaamiyaha maamulkaan Cabdiweli Cali Gaas.

Ugu dambeynta warsaxafadeed kasoo baxay xafiiska Madaxwynaha Puntland ayaa lagu sheegey in dowlada Federalka wax lug ah ku laheyn difaaca ciidamada maamulkaan isaga caabinayaan duulaanada ay ku soo qaadeen xoogaga Somaliland. Waxayna dhinaca digniin ugu dirtey in dowlada Federaalka aysan gali karin wax wadahadal ah ee khuseeya colaada taagan iyadoo sidoo kale gorgortan galin kalin degaanada Puntland. 

Hadalka Puntland ayaa soo baxay xilli Madaxwynaha Somaliland u gacan haatinayo in dowlada Federaalka ah kala galo wadahadal colaada Tukaraq iyo guud ahaan colaada ka taagan gobolka Sool.

Waxaa jira warar soo baxaya oo sheegaya in dowlada Federaalka gaar ahaan Ra’isal wasare Khayre ka codsadey dowlada Ethiopia in wadahadal la isugu keeno Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi kasoo qaban qaabadiisa socoto.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM