Puntland oo fasaxday Maxaabiis u dhashay Iiraan [Daawo]

Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland- Maxkamadda sare ee dowladda Puntland ayaa maanta xorriyadoodii u celisay 17 maxbuus oo kasoo jeeda waddanka Iiraan kuwaasoo lagu soo eedeeyay inay sifo sharci darro ah uga Kalluumaysanayeen xeebaha Puntland.

Maxkamadda ayaa dadkan sii daysay kadib markii maanta ay u fariisatay dhagaysiga Gal-dacwadeed ka dhan ah Iiraaniyiintaas oo horay kiiskooda loo soo mariyay Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Bari.

Gudomiye Ku Xigeenka Maxkamada Sare ee Puntland Nuur Ciise, ayaa sheegay in Maxkamadda sare ay jabisay xukunkii horay loogu riday eedaysanayaashaas isagoo amar ku bixiyay in dib loogu soo celiyo xorriyadooda.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in Doontii ay ku kalluumaysanayeen raga la sii daayay loo xukumay dowladda Puntland maadama ay sifo sharci ah kusoo gashay waddanka Khayraadkiisana ku qaadanaysay.

Darawalkii waday Doonta Al-Saciidiyah, Xaydar Cabdallah, oo ku dhintay howlgalkii lagu soo qabtay ragga la sii daayay 05 bishii 10aad 2017, ayaa magtiisa dusha uga tuuray mulkiilaha Doontan oo lagu magacaabo Caarif Sabiil.

Maxabiistan ayaa magaalada Boosaaso ku xirnaa muddo sideed bilood ah, waxaana maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Bari ay ku xukuntay Xabsi iyo ganaax lacageed taasoo ay maanta jabisay Maxkmadda Sare.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM