Puntland oo ciidamada heegan u gelisay dabaaldega 1-da August

Image

GAROWE, Puntland – Si looga hortago falal liddi ku ah ammaanka, ciidamada kala duwan ee Puntland ayaa waxaa la geliyay heegan sarre.

Mas’uuuliyiinta hay’addaha nabad-gelyada ayaa shaaca ka qaaday in la xakeeyay isu socodka gaadiidka ee magaalooyinka kala duwan ee Puntland.

Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sidda ayaa waxay ku booriyeen dadweynaha in ay qayb ka qaatan sugitaanka xasiloonida.

Wasiirka Amniga, Cabdisamad Maxamed Gallan, ayaa wuxuu faray xoogaga dowladda in ay "gacan naxariis leh u fidiyaan shacabka".

"Cadow qarsoon iyo mid muuqda baa jira, sida lagu yaqiinay shacabka Puntland, waa in ay nagu soo wargeliyaan waxay ka shakiyaan," ayuu yiri.

Gallan oo rajeeyay in munaasabadda ay ku qabsoonto jawi nabdoon ayaa xusay in la sameynayo alaad saleysa wada shaqeynta ciidamada iyo shacabka.

"Lamber baa la sameyn doonaa oo ay shacabka kusoo gudbin doonan waxay ka shakiyaan, ciidamadana waa in ay gacan naxariis ah ay fidiyaan," ayuu raaciyey.

Munaasabadda 1-da August oo ay kasoo qeybgeli doonan madax kala duwan ayaa la filayaa in laga xuso guud ahaan degaanadda kala duwan ee Puntland.

Puntland, maamulka ugu da’da weyn dowlad goboleedyadda ka jira Soomaaliya, ayaa waxaa la aas-aasay sanadkii 1998-dii, gaar ahaan1-da August.

Dabaaldegan oo sanad kasta la agaasimo ayaa waxaa markii ugu horeysay la qabtay 1999-kii, waqtigaasi oo si heer sarre ah loo maamuusay.

MUUQAALKA KULANKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM