Puntland oo jawaab kulul ka bixisay hadal kasoo yeeray Wasiir Goodax

Image

GAROWE, Puntland - Wasaaradda Waxbarashadda dowladda Puntland, ayaa ka jawaabtey hadal kasoo yeeray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo ku aadan Imtixaanada Iskuuladda.

War-Saxaafadeed ay soo saartey Wasaaradda Waxbarashadda Puntland maanta ayaa lagu sheegay in nidaamka waxbarashada Puntland uu yahay mid iyada u gaar ah, oo soo shaqeynayay tan iyo 2003, kuna salaysan siyaasad iyo manhaj u gaar ah.

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, C/llaahi Goodax Barre ayaa sheegay in Puntland ay diiday inay ka qeybgasho Imtixaanada mideysan ee dowladda ka qaado Ardayda Dugsiyada sare ee dalka.

Sababaha Puntland ku diiday Imtixaanka mideysan:

1- La'aanta siyaasad iyo sharci waxbarasho oo lagu mideysan yahay

2- Kala duwanaanshaha dhanka Manhajka waxbarashada

3- Amaanka Imtixaanka dowladda Federaalka dejiso oo aan la isku haleyn karin, oo gacanta u gala ardayda

4- Yaraanta Khibradda iyo xirfadda lama huraanka u ah dejinta, maamulida iyo sixida Imtixaanada

5- Tayada Imtixaanka ay qaado dowladda Federaalka oo ka hooseeya midka Puntland.

C/llaahi Goodax Barre oo dhawaan xilka Wasiirka Waxbarashada loo magacaabey ayaa ku hanjabey in hadii Puntland ay diido inay ka qeyb gasho Imtixaanka mideysan aysan shahaado siin doonin ardayda reer Puntland.

WAR-SAXAAFADEEDKA PUNTLAND:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM