Puntland oo ka digtay in ciidamada loo adeegsado dano siyaasadeed

Image

GAROWE, Puntlan – Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo xalay wariyeyaasha kula hadlay magaalada caasimadda ah ee Garowe ayaa cod dheer uga digay in la siyaasadeeyo dhismaha ciidamadda xoogga dalka.

Deni ayaa hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in ciidamaddu noqdaan kuwa ka fog fulinta danaha shaqsiga ah ee madaxda talada haysa.

"Runtii way jiraan ciidamo badan oo ku asteysan xoogga dalka, laakiin xaqiiqadu waxay tahay ciidamadda Soomaaliya maanta ay leedahay ciidamadii saxda ahaa ee qaranka Soomaaliya u baahnaa ma ahan, ma ahan ciidamada si sax ah isugu dheelatiran oo dhamaan qaranka Soomaaliyeed meteli karo ma ahan, waa ciidamo runtii duruufo kala duwan ku yimid, oo qadarinteeda mudan, waxaanse rajeyneynaa in dedaal mideysan lagu bixiyo siddii loo heli lahaa ciidamo qaran oo mideysan oo hanta dhamaan amniga iyo xuduudaha dalka oo ka fog in ay ku milmaan siyaasada, oo ka fog in ay fuliyaan falal gaar u ah madax siyaasadeed, hadafkeedu ahaa sidda ciidamada kale ee caalamka oo ku asteysan in ay ilaaliyaan madax banaanida iyo midnimada ummadaas," ayuu yiri.

Ciidamada ayuu tilmaamay in loo baahan yahay in ay qeyb ka noqdaan gargaarka xilliga musoobooyinka iyo la dagaalanka argagixisadda.

"Waan ka digeynaa in ciidamadda qaranka la siyaasadeeyo, la qabiileeyo, la kooxeeyo, dano gaar ah lagu fushado, waan u rajeyneynaa saraakiisha hogaamisa ciidamadu in ay sifadaas ku sifoobaan, oo a ku yimaadaan hanaan shacabka Soomaaliyeed u qalma, ma dhaheyno hadda ayaan dooneynaa, waan dareemeynaa daruufaha uu dalka ku jiro, laakiin waxaan u rajeyneynaa in laga bixi doono daruufahaas," ayuu hoosta ka xariiqay Deni.

Si mustaqbalka loogu guuleysto, siyaasad cad oo ku wajahan dhismaha ciidamo qaran in la helo ayuu cod dheer kusoo jeediyo in la helo.

Dowladda madaxweyne Farmaajo ayaa lagu eedeeyay in ay faragelin ciidan iyo mid siyaasadeed ku sameysay qaar kamid ah maamul goboleedyadda si ay uga hirgeliso damaceeda, balse qaarkood way ku fashilantay.

MUUQAALKA DENI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM