Puntland oo ka gaabisay hormarinta garoomada Cayaaraha

Image

GAROWE, Puntland- Dhalinyarada Puntland gaar ahaan bahda cayaarha ayaa walaac ka qaba gaabiska dowladda ee dhinaca hormarinta qaybaha kala duwan ee cayaaraha siiba dhisida iyo casriyeynta garoomada ku yaal degaanada maamulkaan ka arimiyo.

Maamulka Puntland oo kamid ah dowlad goboleedyada ugu faca weyn Soomaaliya islamarkaana qayb kasoo qaatay dhismaha maamullo iyo dowladda Federaalka ayaa ku guuldareystey iney u dhisaan ama u dayactiraan jiilka soo koray xarumo ay ku jimicsadaan islamarkaana waqtiga firaaqada ku cayaaraan.

Inkastoo dowladihii soo maray Puntland kawada sinaayeen wax ka qabasho la’aanta Garoomada Cayaaraha, hadana waxaa lagu kala duwanaa muhiimsadsiinta Sportiga.

Xukuumadda hadda jirta gaar ahaan wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha ayaa si joogto ah loogu eedeeyaa inaysan waxba ka qaban baahidaas iyo waliba qabashada koobabkii horay looga bartay maamulkii hore.

Warsidaha Garowe Online ayaa fahamsan in wasaaraddu aysan xil iska saarin sidii ay u samayn lahayd garoon casri ah ama u dayactiri lahayd kuwii horay u jiray inkastoo marar badan mas’uuliyiinta xafiiska jooga ay ballan qaadeen inay samayn doonaan Garoomo Cagaar ah.

Musuq-maasuqa ayaa safka hore kaga jira in la hormariyo garoomada kubadda Cagta ee Puntland, waxaana hubanti ah inay soo mareen wasaaradda fursado ama dadaalo ay ku maalgalin kartay garoomadan dayacan.

Sanado ka hor waxaa muuqatay yididiilo ah in lasoo nooleeyay Cayaarihii dalka iyo kuwa Puntland, markii magaalada Garowe ay martigalisay koobkii loo qabtay gobollada Soomaaliya waqtigii uu xafiiska joogay Cabdiraxmaan Farole. 

Hoos u dhacan kuma koobna Garoomada kaliya, balse Wasaaradda Cayaaraha Puntland ayaa ka gaabisay qabashadii tartamadii gobollada oo ay ugu dambaysay sannadkii 2014, balse sannadkan waxaa wasaaraddu samaysay hal koob oo loo dhigay kooxaha heerka koowaad kaasoo markii dambe kusoo dhammaaday buuq iyo is-qabqabsi.

Sidoo kale wasaaradda ayaa ku fashilantay in cayaartooy badan, xirfad leh  islamarkaana niyad u haya dheelista koobab caalami ah ay ka qayb galiso tartamada lagu qabanayo dalka dibadiisa iyo walibada kulamada lagu cayaarayo magaca Soomaaliya.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli Somaliland ay leedahay garoomo Casri ah, Muqdisho sidoo kale ay ka jiraan iyo waliba maamulka aas-aasan wax ka yar 6 sano sida Jubbaland.

Hadda waxaa ka socda dalka Tuunuusiya tartanka Mini-Football Clup oo ay ka qayb galayaan in kabadan 20 waddan oo Soomaaliya ku jirto. Koobkaas waxaa markii ugu horaysay tagay 2 Cayaartooy oo kasocda Puntland. 

Labada Cayaartooy oo lagu kala magacaabo Mo Faarax iyo Cabdullaahi Mangaala ayaa ku tagay dedaal uu sameeyay nin dhalinyaro ah, wuxuuna u sheegay Garowe Online inuu dhalintaas ku qaaday deeq uu ka aruriyay shakhsiyaad iyo xarumo daneeya hormarinta Cayaaraha Puntland.

"Wax fudud ma ahayn in ciyaaryahanno ka tagay Soomaaliya gaar ahaanna Puntland inay tartanka ka qaybgalaan muddo ayaan ku dadaalnay qorshahan," Ayuu yiri Cabdiqani Khaliif Carabey oo ah Guddoomiyaha Xiriirka Mini-Football ee gobolka Mudug kasoo hadalkiisa kusii daray, "Waxaan la qarin karin cid walba oo qayb ka ahayd labada ciyaaryahan inay tagaan Tunisia, waxaana rabaa halkan inan ka caddeeyo oo u mahadceliyo,  Ambassador Axmed Ciise Awad, safiirka Soomaaliya ee Marekanka oo bixiyay $500 doollar, shirkadda Xawilada  ee dalka Canada oo bixisay $500, Cabdirashiid Xasan Xirsi Baki oo bixiyay $1.000  doollar ,shirkada caalamiga ee isgarsiinta  Somtel Telecom Puntland Somalia oo ku deeqday  $2.000, Safiyo Baasey oo bixisay $500."

Xeel dheerayaal dhinaca cayaaraha ah oo la hadlayay GO, ayaa sheegay in hormarinta Cayaaraha ay ka qayb qaadan karto yaraynta falalka Tahriibta iyo amni darrada waddanka Soomaaliya.

Dadka daneeya Cayaaraha ayaa niyad jab ka qaba nidaamka wasaaradda ee ku aadan hormarinta cayaaraha Puntland, inkastoo ay jiraan shakhsiyaad is-xil qaamay oo muujiyay waxyaabo soo celin kara rajada da’yarta ee ah inay helaan garoomo casri ah oo ay ku madadaashaan. Laakiin Garoomadan oo ay samaysteen ganacsato ayaa ah kuwo la helayo galabtii iyo habeenkii, waxaana laga qaadaa lacag.

Sannadkii hore Puntland ayaa soo qaaday koobka Maamul goboleedyada Soomaaliya ee lagu qabtay Muqdisho, hadana waxay isu diyaarinaysaa midka ka dhacaya Kismaayo, balse nasiib darro waxaa kooxdii Puntland matalaysay gacanta ku haya ganacsade ay g Garoonkiisa ku tababartaan islamarkaana u kireeyay guri.

Hadaba doorka dowladda muxuu noqon doonaa?

Wasaarada Isboortiga Puntland waa in ay ka qayb qaadataa islamarkaana abuurtaa jawi dib loogu dhisayo garoomada deganaada hoos yimaada Puntland iyadoo la kaashaneysa madaxda sare sidii dakhli ugu bixin lahaayeen mashaariicdaas. Madaxweynaha Puntland oo dhowaan bixinayey lacago lagu kabayo mashaariic ka qayb qaadaneysa kaabayasha dhaqaalaha ayaa sidoo kale waxaa looga fadhiya inuu tixgalin siiyo sidii looga bixi lahaa Dayaca ka muuqda garoomada Puntland.

Doorka Dowladaha Hoose;

Maamulada dowladaha hoose ee magaalooyinka Puntland ayaa waxaa looga baahan yahay iney la yimaadaan qorshe dhulka sida sharci darada lagu qabsadey ay ugu baneynayaan goobo garoomo noqon kara hadii aysan fulin karin talaabadaas waxaa mas’uuliyad ka saaran tahay in ay u qoondeeyaan misaaniyad ay dib ugu gadayaan dadkaas dhulalka banaan halkaas oo laga dhiso dhismayaal da’yartu ku cayaaraan Isboortiska noocyadiisa kala duwan.

Doorka Shacabka;

Shacabka Puntland oo ah kuwa ugu badan ee xiiseeya siyaasada kuwasoo Baraha bulshada kala taageero madaxda maamulada kala duwan ee soo marey Puntland ayaan aheyn kuwo gabi ahaan u so jeeda sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen dib u dhiska degaanadooda kuwasoo bixin kara misaaniyad lagu qumo danta guud. Sida warsidaha GO fahansan yahay qaar ka tirsan Garoomada Casriga ah ee laga dhisey magaalooyinka hoos taga maamulada kale ee Soomaaliya ayaa waxaa looga fadhiyaa iney ka qayb qabtaan dib u dhiska garoomada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM