Puntland oo naqdisay cunaqabateyn uu Biixi "kusoo rogay" Sanaag

Image
Image

GAROWE, Puntland – Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland ayaa ka fal-celiyey markii ugu horeysay xayiraad uu dhowaan hogaamiyaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, kusoo rogay gobolka Sanaag.

Maamulka Hargeysa ayaa lasoo wariyey in talaabadaasi uu qiil kaga dhigtay dhanka amaanka iyo dhaqdhaqaaq uu sheegay in ay halkaasi ka sameynayaan dagaalameyaasha Al-Shabaab.

Hasayeeshee, waxaa ganafka si adag ku dhuftay Axmed Cismaan Karaash kaasoo xoogaga dowladda Puntland faray "inay si degdeg ah uga howlgalaan gobolka ayna dadka gurmad ugu fidiyaan".

"Arrin aan maqlay oo Muuse Biixi la yiri cunaqabatayn ayuu ku soo rogay Sanaag, waa arin lala yaabo weeye, Cunaqabatayn mana saari karo, Alle 'SWC'-na ma saarin. Waxaan farayaa Hay'ddaha uu beenta u sheegayey iyo dowladda Puntland-ba in si deg deg ah looga hortago arrintaasi been Abuuur ka ah," ayuu yiri

Mr Karaash oo sii hadlaya ayaa waxa uu qashinka ku daray sheegashooyin kasoo yeeray Somaliland oo ku aadan in Puntland ay taageerto Al-Shabaab, isaga oo tibaaxay "in Hargeysa ay taakuleysa argagixisada".

''Shabaabka uu leeyay Dhahar ayay joogaan, Shabaab Puntland ma joogto mana taageerto, Shabaab iyo Puntland waa kuwa dagaalku ka dhexeeyo har iyo habeenba, waxaanu leenahay meesha lagu badbaadiyo waa Soomaaliland, xariiq ma gaarsiin reer Burco iyo reer Hargeysa iyo Jeegaanta Midna, halkanna dagaalka ka dhex socda waad la socotaan, markaa Shabaab anagu ma haynee halkaas ayay jiraan, Soomaliland ayaa laga soo taakuleeya," ayuu daba dhigay.

Hadalkaan ayuu Karaash ka jeediyey munaasabad dib loogu furayey wadada isku xirta Garowe iyo Boosaaso, taasoo uu sameeyay roobabkii dhowaan ka da'ay gobolada Puntland.

Gobolka Sanaag ayaa ku jira saddex gobol oo labada kale ay yihiin Sool iyo Ceyn kuwaasoo gacan ku hayntiisa ay isku hayaan Somaliland iyo Puntland, waxaana mid kasta ugu magacaaban maamul.

MUUQAALKA KARAASH

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM