​Puntland oo ka hadashay dagaal ka dhacay Af-urur, gobolka Bari [Daawo]

Image

GAROWE, Puntland- Dowladda Puntland, ayaa ka hadashay dagaal khasaaro badan dhaliyay oo ka dhacay deegaanka Af-urur oo katirsan gobolka Bari kasoo kooxda Al shabaab ku qaaday fariisin ay joogeen ciidamo katirsan Daraawiishta.

Wasiirka wasaaradda Amniga Puntland,  Cabdi Xirsi Cali Qarjaba oo saxaafadda Shir jaraa’id ugu qabtay magaalada Garowe, ayaa sheegay in kooxda Al Shabaab weerar ku qaaday tuulada Af-urur islamarkaana ku dileen dad u badan shacab.

Wuxuu xusay in kooxdan weerar kusoo qaaday dad sooman iyo sidoo kale ciidamo difaac ku jira, isagoo intaas raaciyay inay dagaalka kasoo bilaabeen tuulada iyagoo laayay Odoyaasha iyo Maatada.

Khasaaraha dagaalka ayuu ka gaabsaday inuu ka hadlo, balse wuxuu carrabka ku dhuftay in khasaaraha ugu badan uu soo gaaray Al Shabaab islamarkaana lagu jabiyay dagaalkas.

“Dagaalka tuulada ayay ka bilaabeen iyagoo laalayay Odoyaasha iyo Maatada, kadibna waxay ug gudbeen fariisinka ciidamada, wayna iska difaaceen, khasaaro xooggana ayaan kasoo gaaray, firxadkoodana gacanta ayaa kusoo dhigi doonaa,” Ayuu yiri Qarjab.

Cabdi Xirsi, ayaa beeniyay warar kooxda Al Shabaab ku baahisay baraha internet-ka kaasoo ay ku sheegeen in dagaalkaas ay ku dileen 61 askari oo katirsan ciidamada difaaca Puntland.

“Sharwadayaashu mar kasta waxay sheegtaan dad badan oo Somali ah inay laayaan, taasna wax ka jira ma jirto,” Ayuu yiri wasiirka amniga Puntland.

Mar wax laga weydiiyay khasaaraha gaaray dhinac Shabaab, wuxuu sheegay inay dib kasoo sheegi doonaan, isagoo sidoo kale gaashaanka ku dhuftay inay la wareegeen gacan ku haynta tuulada Af-urur.

Shacabka ayuu ugu baaqay inay ka qayb qaataan sidii ay u istaagi lahaayeen inay iska difaacaan kooxaha nabad-diidka oo ku ekay inay waxyeelleeyaan saraakiisha dowladda iyo ciidamada, isagoo intaas ku daray in dowladdu u taagantahay sidii kooxdaas oo dhibaato ku haysa Puntland looga hortagi lahaa Sharkeeda.

Wasiirka Amniga ayaa ciidamada Puntland ugu baaqay inay u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah Al Shabaab.

Isagoo sii hadlaya wuxuu intaas ku daray in wali howlgalku socdo, xilli wararka soo gaaraya Garowe Online ay sheegayaan inuu jiro dagaal kasocda halka weerarku ka dhacay.

Khaasaraha ayaa sidoo kale GO ogaatey inuu gaaray 60 qof oo 26 kamid ah ay yihiin shacabkii ku dhaqnaa tuulada.

Waa dagaalkii ugu khasaaraha badnaa oo kooxdaas ka gaysato buuraha Gal-gala ee gobolka Bari.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM