Puntland oo ka hadashay doon ku caariday Boosaaso [Dhagayso]

Image
Image

BOOSAASO, Puntland- Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Puntland, Siciid Maxamed Raage, ayaa ka hadlay doon saaka ku caariday dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, taasoo u rarnayd Ganacsato reer Puntland ah.

Wasiir Raage oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Boosaas, ayaa sheegay in ciladda doonta lagusoo wargaliyay Xalay goor dambe islamarkaana loo sheegay inay soo galeen Biyo islamarkaana u baahantahay in lagu soo xiro dekedda.

"Anagu wasaarad ahaan waxaan ka war-helnay, Sideedii, Konton iyo Labo Daqiiqo oo habeenimo, doontaas warkeedu xalay ayuu nasoo gaaray, waxay noo sheegeen in doonta biyo soo galeen, waqti habeenimo ahna way ahayd darbadna dhacayso, habeenkiina baddu waa xirantahay, waxyaabo badan ayaa jira, amniga oo kale, ciida, gacanka oo yar. " sidaas waxaa yiri Wasiir Siciid Raage oo intaas ku daray, "Mas'uuliyada doonta dhibka ku dhacay waxaa iska leh Kabtanka, barkee Kabtanku isagaa mas'uul ka ah dadka iyo gaadiidka uu wado."

Wasiir Raage wuxuu sheegay in markii dambe iyagoo jabinaya sharciga dekedda ay amreen in lasoo xiro doonta, laakiin ay u suuro gali wayday Marinka oo yar awgiis, taasina kaliftay inay u caarido dhanka Caariga.

Mas'uulkan ayaa sidoo kale sheegay in dowladdu ay guddi u saari doonto sidii loo bad-baadin lahaa hantida saaran doonta isagoo xusay in shaqada kaliya ee iminka qaban karaan ay tahay in shacabka loo bad-baadiyo agabka saaran, isagoo xusay inay la gaashan doonaan caalamka iyo shacabka gudaha intaba.

Raage oo ka hadlayay sababta aysan dekedda Boosaaso u lahayn Gaadiid bad-baadin kara Doonyaha caariya, wuxuu sheegay inuu jiray hal xabo kaasina uu degay bishii hore, laakiin hadda ay ku howlanyihiin sidii loo keeni lahaa agab lagu bad-baadiyo Gaadiidka.

Dhanka kale, Ganacsade Cabdillaahi Maxamed Muuse oo kamid ah ganacsatada ay u rarnayd doontan, ayaa dowladda ku eedeeyay inay ka dhago adaygtay baaqyo is-xigxigay oo ay u direen, isagoo intaas ku daray inaysan jirin Matoor damay ama cilad habeenimadii soo wajahay doonta Al Xafiis.

Cabdillaahi, ayaa sababta loo diiday ku macneeyay in maamulka dekedda ay ka cararayeen in doontu ku dagto halka ay kusoo xirtaan doonyaha iyo maraakiibta.

Doontan oo kasoo shiraacatay Dubai, ayaa siday Gawaari, Agabka dhismayaasha, Shidaal iyo bagaash kala duwan, waxaana iska lahaa ganacsato reer Puntland, kuwaasoo hadda kor ka daawanaya hantidoodii oo Qarqoontay iyadoo ilaa hadda aysan jirin wax tallaabo ah oo dowladdu qaaday.

Maaha markii ugu horeeyay ee doon ku caarido dekedda Boosaaso, waxaana hadda jira haraadiga Gaadiid horay u dagay oo ka muuqanaya nawaaxiga goobta ay kusoo xirtaan gaadiid badeedka sida badeecada, kuwaasoo la bad-baadin waayay markii ay caarinayeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM