Puntland oo ka hadashay maxaabiis lagala baxay maxkamad

Image

GAALKACYO, Puntland – Dowladda Puntland ayaa sheegtay in ay baaritaan ku waddo maxaabiis bishii November, 2019 lagala baxay Maxkamadda magaaladda Gaalkacyo, xarunta gobolka Mudug.

Illaa iyo haatan ma cadda sababta iyo cidda la baxday maxaabiista, wallow warar is-khilaafsan ay kasoo baxayaan.

Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, wasiirka arrimaha gudaha Puntland, ayaa rajeeyay in cadaalad la marsiiyo ciddii ka dambeysay.

"Run ahaantii aad iyo aad baan cudur-daar uga bixineynaa shilkaas dhacay. Shilalku waa dhacaan, waxyaalo ka baaxad weyn taas baa dalkan ka dhaca," ayuu u sheegay Radio Daljir.

Maxaabiista lagala baxay Maxkamadda Gaalkacyo ayaa loo maxkamadeynayey in ay magaaladda soo geliyaan maandooriyeyaal.

Wuxuu ku daray: "Laakiin, maadaama mas'uuliyaddii annaga aan dadkan u hayno, waxaan aad iyo aad raali gelin uga bixineynaa in maxkamadii ka dhacdo dad sharciga la saarayo in lala baxo".

Dhinaca kale, wasiirka oo soo qaadey nabadeynta beelo ku dagaalmay qaybo kamid ah gobolka Mudug ayaa gebi ahaanba meesha ka saarey in dowladda federaalka ay door ku leedahay.

"Run ahaanti way jiraan mas'uuliyiin ka socotay Dowladda Federaalka oo degaankaa yimid, laakiin waxay u yimaadeen ehelnimo, ma jirto koofiyad federaalka oo meeshaas wax ka qabatay," ayuu xusay.

Gabagabadii, mar wax laga waydiiyey mowqifka Puntland ee doorashooyinka Soomaaliya 2020-21 ayuu ku eedeeyay in xukuumadda "in ay wax u waddo qaab ka duwan nidaamkii Soomaali ku heshiisay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM